onsdag, april 24, 2024

Listhaug: Waxaan anaga iyo Ethiopia bilownay inaan ka wada hadalno heshiis dib u celin.

Wasiirada arimaha soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug oo maalmahan ku sugneyd bariga Afrika, ayaa saaka ka dagtay magaalada Adiss ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Listhaug ayaa safarkeeda kahor sheegtay in waxyaabaha ugu waaweyn oo rabto inay kasoo miro dhaliso uu kamid yahay heshiis ay la gasho dalalka bariga Afrika. Suudaan ayaa shaley ku gacan seyrtay qorshe ay Listhuag rabtay oo aheyd inay xarun u noqoto tahriibayaasha Bariga Afrika ee raba inay usoo tahriibaan Yurub.

Sida uu qoray wargeyska VG, waxaa dalkan Norway ku sugan ilaa 600 qof oo kasoo jeedo dalka Ethiopia dhalasho ahaan, kuwaas oo diidmo ka heysta codsiga magangalyada, laguna amray inay wadanka isaga baxaan. Dadkaas waxaa kamid ah dad soomaali ah, balse dhalasho ahaan heysta dhalashada dalka Ethiopia.

Ethoipia ayaa Norway horey ula gashay heshiis dib u celin ah sanadkii 2012, balse Ethiopia ayaan markii danbe diiday inay qaabisho dadka laga soo tarxiilo Norway, ilaa hadana ma jiro qof Norway laga tarxiilay oo Ethiopia laga dajiyay, iyada oo heshiiskaa loo tixraaciyo. Sanadkii hore ayay sidoo kale Ethiopia gabi ahaanba joojisay heshiiskii dib u celinta oo ay kula jirtay Norway.

Waxyaabaha heshiiskii hore burburiyay ayaa waxaa kamid ahaa in sirdoonka Ethiopia uu dalbaday in loo soo gudbiyo macluumaadka dadka lasoo celinayo, taas oo Norway ay ka biyo diiday.

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway ayaa maanta la kulantay wasiir ku xigeenka arimaha dibada Ethoiopia, Hirut Zemene, waxeyna Listhaug wargeyska VG u sheegtay inay bilaabeen ka wada hadalka heshiis dib u celin oo cusub, maadaama uu kii hore shaqeyn waayay.

Listhaug ayaa muujisay sida ay u rabto inay galaan heshiis dib u celin ah, balse waxey cadeysay inay sugeyso wadahadal adag oo arintaas ku saabsan.

Ethiopia ayaa kamid ah wadamada deeqda dhaqaale ee ugu badan ka hela dowlada Norway, iyada oo Listhaug ay horey u sheegtay inay diyaar u yihiin inay cadaadis ahaan u adeegsadaan deeqdaas dhaqaale, si loo helo heshiis dib u celin.

Safarka kan xiga ee Listhuag ayaa noqon doono dalka Kenya, waxeyna halkaas kula kulmi doontaa masuuliyiin ka socdo Kenya. Su aasha ay dad badan maskaxda ku hayaan ayaa ah in Listhaug ay halkaas kula kulmi karto madax soomaali ah, si ay ugala hadasho ama ay ulaba gashaba heshiis ku saabsan dib u celin. Maadaama ay Norway ku noolyihiin qoxooti badan oo soomaali ah, halka Kenyaatiga qoxooti ahaanta kujoogo Norway ay aad u yaryhihiin, hadii ayba jiraanba.

Wixii arintaas dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: VG

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x