Listhaug oo rabta inay soo galitaanka Norway ka mamnuucdo wadaado uu kamid noqon karto Sh Said Raage

0
96
Foto: Stillebilde: Youtube

Sheekha soomaali Kanadiyaanka ah ee Siciid Raage ayaa maalmahan ku sugnaa dalkan Norway, wuxuuna shaley muxaadaro ka jeediyay masaajidka ugu weyn Stavanger oo ay soomaalidu maamusho ee kuyaal xaafada Hillevåg. Siciid Raage ayaa sidoo kale maanta muxaadaro kale ka jeedin doono magaalada Stavanger.

Booqashada sheikh Said ee magaalada Stavanger iyo waliba khudbada uu ka jeediyay masaajidka soomaalida ayaa shaley iyo maantaba laga hadalhayaa warbaahinta lokalka ah ee Stavanger.

Sindre Bangstad oo cilmibaare ka ah xarunta baaritaanada kaniisadaha, diimaha iyo aragti nololeedyada, ayaa wargeyska lokalka ah ee Rogaland Avis u hadalada qaar ee laga qoray Sh Said ay yihiin kuwo u janjeero dhanka xagjirnimada.

Waxyaahaba ay wargeysyadu qoreen ee lagu heysto Sh Said ayaa waxaa kamid ah in laga hayo muuqaalo uu ku sheegayo in dadka diinta caayo la dili karo, iyo in haweenku aysan gurigooda kasoo bixin, ilaa ay ka maarmi waayaan ma ahaane.

Listhaug: Waxaan ka shaqeyneynaa sharci mamnuucayo safarka wadaadada

 

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug oo wax laga weydiiyay booqashada wadaadkan soomaaliga ah ayaa wargeyska RA u sheegtay in hadii uu imaamkan aaminsanyahay in la dilo dadka diinta caayo, ay tahay wax aan la aqbali karin, isla markaana aan la jaanqaadi karin dhaqan nololeedka muhiimka ah(qayimka) Norway.

Listhaug ayaa hadalkeeda sii raacisay in in fikradahaas ay yihiin kuwo xagjir ah, isla markaana cabsi keeni karo. Waxeyna sheegtay inay diyaarinayaan liiska wadaado la sheegay inay fidiyaan fikir naceyb ah, isla markaana ay dowladu rabto in laga mamnuuco soo galitaanka dalkan Norway.

Denmark ayaa horey u sameysay liis noocaas oo kale ah, waxaana liiskaas kamid ah wadaado caan ka ah dunida muslimka.

Listhaug ayaa sii raacisay  in xarumaha diimaha Norway ay masuul ka yihiin cida ay casuumayaan. Balse ay tahay wax aan la aqbali karin inay casuumaan dad hoos u dhigayo dhaqanka Norway. Waxeyna sii raacisay in xarunta sheikhan casuuntay ay isku isku ifiyeen nal aan fiicneyn, maadaama ay casuumeen wadaad fikir noocaas ah aaminsan..

Christian Wedler oo katirsan xisbiga FRP laantiisa Stavanger ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in masaajidka Stavanger uu casuumo sheekhan, wuxuuna raaciyay inuu kulan la qaadi doono maamulka masaajidka.

Masaajidka soomaalidu ay maamusho ee Hillevåg ayaa ah kan ugu weyn gobolka Rogaland, waxaana xubno ka ah ilaa 3000 qof.

Sh Said Raage ayaa sidoo kale ka qeybgali doono mu’tamarka dhalinyarada ee masaajidka Towfiiq ee Oslo oo maalinta beri ah furmi doono.

Xigasho/kilde: Rogalandavis, Rogalandavis

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments