Listhaug oo rabta inay heshiis dib u celin lasoo gasho wadamada bariga Afrika.

0
200

Wasiirada soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada ee dalkan Norway ayaa maanta oo talaado ah ka dagi doonto dalka Suudaan, halkaas oo ay ugu bilaaban doonto booqasho ay ku mareyso dhowr dal oo bariga afrika ah. Listhaug ayaa sidoo kale booqon doonto wadamada Ethiopia iyo Kenya.

Mid kamid ah ujeedooyinka ugu waaweyn ee safarka Listhayg ay ku tageyso bariga Afrika ayaa ah inay heshiis dib u celin qoxooti lasoo gasho wadamada bariga Afrika, sida ay Listhaug saxaafada u sheegtay. Waxeyna la kulmi doontaa madaxda dowladaha dalalka ay booqan doonto.

Wasiirada soo galootiga ayaa wadamada ay booqan doonto waxaa kamid ah dalka Kenya, halkaas oo ay kunoolyihiin boqolaal kun oo qoxooti soomaali ah. Iyada oo soomaalidu ay kamid yihiin dadka ugu badan ee qoxooti ahaan dalkan ugu nool.

Safaarada Norway ee Kenya ayaa sidoo kale qaabilsan Soomaaliya, waxaana dhici karto(lama shaacin ilaa hada) in Listhaug ay Kenya kula kulanto madax soomaali ah ama ka socoto dowlada Soomaaliya.

Listhaug ayaa horey u sheegtay inay rabto in dowlada Norway ay xitaa adeegsato lacagaha deeqaha ah oo ay dalalka Afrika siiso, si ay uga cadaadiso inay saxiixaan heshiis dib u celin qoxootiga wadankooda u dhashay.

Ururada xuquuqul insaanka ayaa Listhaug uga digay inay heshiis la gasho madaxda wadamada Afrika, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyo inay geysteen danbiyo ka dhan bini aadanimada. Sida madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al Bashiir.

Xigasho/kilde: Dagsavisen      NRK

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments