Kooxo Turki ah oo jabsaday Twitterka wasiirkii hore ee arimaha dibada Norway

0
143
Foto: Skjermdump/Twitter

Twitterka wasiirkii hore ee arimaha dibadda dalkan Norway, hadana katirsan madaxda madasha dhaqaalaha aduunka(WEF) ayaa waxaa jabsaday kooxo Turki ah, iyaga oo ilaa saaka soo dhigayay qoraalo af Turki, kuwaas oo ay ku sheegayaan sida ay dowladaha Yurub uga jeedsedeen Turkiga.

Kooxda jabsatay Twitterka oo isku magacaaba Ayyıldız Tim ayaa  aragti ahaan la sheegaa inay taageersanyihiin madaxweyne Urdugaan, waxeyna sidoo kale dowladaha Yurub ku eedeynayaan ineysan qeybtooda ka qaadan samata-bixinta qoxootiga reer Siiriya.

Kooxdan ayaa horey u jabsatay koontooyinkabaraha bulshada siyaasiyiin, diblomaasiyiin iyo wariyeyaal caan ah oo reer Yurub.

Wargeyada waaweyn ee dalkan Norway ayaa saaka xiriir la sameeyay Brende, balse wax jawaab ah kama aysan helin.

Xigasho/kilde: VG. 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments