Kheyre oo Erna Solberg kula kulmi doono Davos

0
201
R.W Soomaaliya iyo Wasiirka arimaha dibada Norway

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo ah reysulwasaaraha Norway ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kula kulmi doonto madax uu kamid yahay reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Kheyre iyo Solberg ayaa ka wada qeybgali doono shirweynaha madasha dhaqaalaha aduunka ee World Economic Forum oo maalinta beri ah ka furmi doono magaalada Davos.

Solberg ayaa sanadkan kamid ah madaxda hogaamineyso shirka madasha WEF, iyada oo wasiirkii hore ee arimaha dibadda Norway, Børge Brende uu kamid yahay agaasimayaasha madasha WEF.

Shirweynaha madasha dhaqaalaha aduunka ayaa waxaa sanad walba isugu yimaada madaxda wadamada caalamka, maalqabaneeda waaweyn, madaxda shirkadaha waaweyn iyo dad kale oo saameyn ku leh shucuubta caalamka.

Solberg ayaa sidoo kale la kulmi doonto Reysulwasaaraha Lubnaan, Sacad Xariiri iyo agaasimaha bankiga aduunka Jim Kim.

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments