lørdag, april 20, 2024

Jens Mjaugedal: Hadii ay jiri laheyd wax ay soomaalida Norway wadaagaan, wey noo fududaan laheyd inaan la xiriirno

Jens Mjaugedal waa ergeyga dowlada Norway u qaabilsan Soomaaliya, waxa uuna in mudo ah kasoo shaqeynayay Soomaaliya. Norway ayaa kamid ah wadamada saameynta ugu xoogan ee muuqata ku leh siyaasada Soomaaliya.

Soomaalida ku dhaqan dalkan Norway, gaar ahaan dadka waxbartay ayaa inta badan dowlada Norway ku tilmaama ineysan ku fiicneyn adeegsiga aqoonta iyo khibrada dadka soomaalida ah ee waxbarta, isla markaana kunool wadankeeda.

Waxaan su aal arintaas ku saabsan weydiinay Jens, wuxuuna ku jawaabay: 

-Marka ugu horeyso wey adagtahay in qof norwiiji ah uu fahmo Soomaaliya. In la fahmo ama laga shaqeeyo Soomaaliya waa wax aad u adag oo aan sahlaneyn. Waxaan ahey qofka ugu aqoonta badan Soomaaliya ee siyaasad ahaan dhanka dowlada Norway, wax badana kasoo shaqeynayay Soomaaliya.

Waxaan kale oo aan ogahay in aan wali si fiican wali u aqoon Soomaaliya , sidaas darteed waxaan horey u shaqaaleysiiyay dad soomaali ah oo firfircoon isla markaana caqli badan. 

-Tusaale ahaan Xasan kheyre wuxuu kamid ahaa dad aan shaqaaleysiiyay. Sababtoo ah waxaan ogaa inuu igaga fiicanyahay fahamka dhaqanka iyo luuqada soomaalida, wuxuu kaloo fahamsanyahay dhaqanka iyo siyaasada Norway.

Sababta aan soomaalida Norway aad loogu baahneyn marka la joogo safaarada Norway ee Soomaaliya, waxaa jirto dhibaato weyn oo ka dhextaagan soomaalida Norway. Waxey u qeybsanyihiin qaabka ay soomaalida Soomaaliya joogto qabiil ahaan ugu qeybsanaayeen. Hadii ay jiri laheyd wax ka dhaxeeya soomaalida Norway, aad ayay noogu fududaan laheyd inaan la shaqeyno.

-Waxaan xasuustaa in markii shaqada aan bilaabay ay koox soomaali ah i casuumeen. Markii aan kulanka tagay, waxaa markiiba iisoo baxday in dhamaan dadka kulanka joogay ay kasoo jeedeen hal deegaan oo Soomaaliya ah, waxa kaliya oo ay igala hadlayeen, ayna xiiseynayeen iney igala hadlaan waxey ku saabsaneyd maamulkaas ay kasoo jeedaan, mana rabin inay wax kale maqlaan.

-Waxaan arkaa mar walba inaad eedeysaan beesha caalamka, majirto wax la dhaho beesha caalamka, taas horta ilaawa. Soomaalida halkan joogto iyo kuwa wadankii waa isku fikir, marka arimahaas laga hadlayo.

-Hadii soomaalida Norway ay rabaan inay qeyb ka noqdaan howlaha Norway ee Soomaaliya, way awoodi karaan inay qeyb ka noqdaan. Laakiin hadii ay mar walba qabiil qabiil u qeybsanaadeen, ma awoodi karaan. Markasta oo aan 10 soomaali ah meel kula kulmo, mar walba dhexdooda ayaa murma, waxeyna isku heystaana, muxuu hebel hadalka iiga basaday.

– Arinta ku saabsan qabiilka oo aad mar walba ka hadashaan ma ahan mid aan xiiseynayo, mana rabo inaan maqlo. Sababtoo ah waligeey ma fahmayo xurgufta qabiilada soomaalida, si kasta oo aan isugu dayo inaan u akhriyo ama u fahmo. Hadii waxa aad ku mashquusantahay uu yahay qabiil, majirto wax idin mideyn kara adiga iyo shaqada safaarada.

Waxaan weydiinay, laakiin waxaa jiro boqolaal dhalinyaro soomaali ah oo jaamacadaha ka baxay, kuwaas oo aan la laheyn sifooyinkii aad tilmaameyso, iyaga kuwaas maxaa ula xiriir weydeen, hadii jiilkii koowaad ee soomaalida aad ka quusateen? 

Waa run, jiilka cusub ee soomaalida Norway, waxaan arkaa inay wax badan ka duwanyihiin kuwii hore, waxaana ii muuqata in waqtiga uu isbadal keeni doono.

Waxaan la shaqeyntooda xiiseynayaa dhalinyarada, sababtoo ah iyaga ayaa muhiim u ah mustaqbalka siyaasada Soomaaliya. Waxaan dhawaan ka qeybgalay kulan xus loogu sameynayay dadkii ku dhintay qarixii muqdisho, waxaa ii muuqato inuu jiro isbadalka dhanka fahamka bulshada soomaalida ah ee Norway ku dhaqan.

Wareysigan oo dhameystiran, halkan ayaad kasii akhrin kartaa. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x