Waxaa sanadkan cusub dhaqangalay isbadal lagu sameeyay xeerka soo galootiga dalkan Norway, gaar ahaan qodobkiisa 86 a. Qodobkaas ayaa qofka turjubaanka ugu shaqeynaya hey’addaha dowlada ee ka shaqeeya arimaha soo galootiga(UDI+UNE) shardi uga dhigaya inuu warqad cadeyn ah(politiattest) ka keensado booliska Norway.

Xisbiga FRP ayaa bartamihii sanadkii lasoo dhaafay soo jeediyay in qofka turjubaanka ah uu keeno warqada cadeynta ah, waxaana u muuqataa in soo jeedintaas la qaatay, maadaama qodobkaas uu dhaqangalay.

Hadii uu qofka ay warqada boolisku ugu taalo qodob danbi ku lugleg,  waa in qiimeyn lagu sameeyaa danbiga uu qofka galay ee micnaha u yeelan kara awoodiisa shaqo ee turjubaanimo.

Shardiga ku saabsan keenista warqada cadeynta ee turjubaanada ayaa meesha laga saari karaa hadii ay xaaladu shaqada turjubaanimo aysan markaas saamaxeynin  ama ay jiraan waxyaabo kale.

Xigasho/kilde: UDI-REGELVERK, Lovdata.no

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of