Haweenay horey uga tirsanaan jirtay dowlada Mareykanka oo lagu xiray xabsiga Trandum

0
94

Haweeney horey uga tirsaneyd dowlada Mareykanka, aheydna diblomaasi hore ayaa sanadkii hore dowlada Norway ka dalbatay maganyo, iyada oo sheegtay in nafteeda ay halis kujirto hadii ay dalkeeda ku noqoto.

Norway ayaa haweeneydaas siisay diidmo ku aadan codsiga magangalyada, waxaana lagu amray inay dalkeedii ku noqoto dhamaadkii sanadkan. Haweeneydan ayaa amar diido ka sameysay go’aanka dalkeedii loogu celin lahaa, waxeyna buuq ka abuurtay diyaaradii la saaray, si dalkeeda loogu celiyo. Diyaarada ayaa go’aansatay inay iska dajiso haweeneydan.

NRK ayaa saaka qortay in haweeneydan hada lagu xiray xabsiga Trandum oo ah goob ay dowlada Norway ku xirto dadka ay rabto inay dalkeeda ka tarxiisho. Waxana mar kale lagu wadaa in dalkeedii loo tarxiilo, inkasta oo ay sheegatay in nafteeda ay halis kujirto hadii la celiyo.

Xabsiga Trandum ayaa waxaa sidoo kale ku xiran dhowr dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo qaarkood dhawaan loo sheegay in la tarxiilo doono.

Xigasho/kilde: NRK

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments