Photo: EPA

F.G: Xigasho: Laanta afka soomaaliga ee BBC-da


Dad lagu qiyaasay 38,000 oo ruux oo Afrikaan ah oo ay Soomaali ku jirto oo ku nool Israa’iil ayaa lagu amray in ay dalkaasi uga baxaan muddo 90 maalmood ah, haddii kale ay xabsi muteysan doonaan.

Dadkan ayaa ah dad magan-gelyo doon ahaa badankoodna waxay ka soo jeedaan dalalka Suudaan iyo Eretrea, kuwaasi oo codsigooda qaxootinimo la aqbali waayay, waxaana qof kasta la siinayaa 3,500 oo doolar si ay dalalkooda ugu laabtaan.

Hay’adda Qaramada Midobey u qaabilsan Qaxootiga iyo kooxaha xaquuqul insaanka ayaa arrintan ku tilmaamay mid ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah.

Halkan ka dhageyso wareysi ay BBC-du la yeelatay mid kamid ah soomaalida Israel kunool.

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of