Denmark: Goobtiisa shaqo oo wiilkan soomaaliga u badashay xiliga shaqada, si uu uga badbaado in Denmark laga tarxiilo!

0
197

Warbaahinta Denmark ayaa isbuucii ugu danbeeyay si aad ah u hadalheysay sheekada Mohamed Ibrahim oo ah wiil dhalinyaro soomaali,  kaas oo ay Denmark kala noqotay sharciga magangalyada, ayna ku amartay inuu wadankiisii ku noqdo. Mohamed oo sanadkii 2013 soo galay dalka Denmark ayaa heysto shaqo dhameystiran(fulltid ah), wuxuuna sifiican ula qabsaday deegaanka iyo dadka uu la noolyahay.

Goobta shaqo ee Mohamed ayaa shaley sheegtay inay  u badashay xiliga shaqada, waxaana loo badalay inuu habeenkii shaqeeyo, taas oo mushaarkiisa sanadkii ka dhigeyso lacag ka badan 422.222 oo lacagta Denmark ah.

Waxeyna taas keeni kartaa inuu helo sharci uu wadankaas kusii joogo karo, sida uu qareenkiisa u sheegay warbaahinta, wuxuuna raaciyay in jaaniskiisu uu aad u fiicanyahay.

Mohamed oo hada goobtaas ka shaqeeyo xiliga maalintii ayaa sanadkii shaqeeyo 370.000, iyada oo goobtiisa shaqo ay hada u fidisay gacan ah inay u siiyaan boos shaqo oo habeenkii ah, si uu sanadkii u shaqeeyo lacag ka badan 417.794, taas oo ah lacagta ugu yar ee uu qofku sharci shaqo kaga heli karo Denmark.

Wiilkan dhalinyarada soomaaliga ayaa taageero aad u badan ka helay dadweynaha reer Denmark, kadib markii sheekadiisu ay sifiican ugu faaftay warbaahinta. Sidoo kale goobta shaqo ee uu ka shaqeeyo ayaa sameysay muuqaal ay dadka uga dalbanayaan inay saxiixaan olole lagu codsanayo in Mohamed aan la tarxiilin.

Kiiska Mohamed waxa uu hada horyaalaa laanta shaqaaleysiinta caalamiga ah iyo isdhexgalka u qaabilsan dowlada Denmark, waxeyna qiimeyn doonaan in Mohamed uu buuxiyay shuruudaha looga baahanyahay qofka, si uu u helo sharci shaqo.

Xigasho/kilde: DR.DK 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments