Cabdulaahi CC oo ku guuleysatay bilada «Årets BT-debattant» ee wargeyska BT

0
152
Foto: FRED IVAR UTSI KLEMETSEN
Foto: Abdul Ahmed

Cabdullahi Cilmi Ibrahim CC oo kamid ah aqoonyahada soomaaliyeed ee dalkan Norway, gaar ahaan magaalada Bergen ayaa ku guuleystay bilada årets BT-debattant ee uu sanad walba bixiyo wargeyska weyn ee BT.

Cabdulaahi CC ayaa kamid ahaa sadex qof oo biladan u sharaxnaa, isaga ayaana ku guuleystay ugu danbeyn. Biladan ayaa aheyd bilada ugu weyn, uguna muhiimsan bilado dhowr ah oo uu galabta wargeyskaas bixiyay.

CC oo aan qadka telefoonka kula xiriirnay ayaa sheegay inuu rajeynayo in arintan ay dhiirigalin u noqoto dadka soomaaliyeed ee Norway kunool, isla markaana ay muhiim tahay in codkooda ay ku gudbiyaan warbaahinta. Cabdullahi ayaa ayaa sheegay inay muhiim tahay inaan ka qeybqaadano doodaha ku saabsan arimaha iyo kiisaska saameynta ku leh noloshooda.

Aan ku qanacsanaano waxa nala sheego ama aan ka qeybqaadano doodaha socdo, maadaama waxa lagu dagaalamayo ay tahay maskaxda dadka.

Xigasho/kilde: Bergens Tidende

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments