Bergen: Qoysaska caruurta leh ee Bergen degan, waxey soo codsan karaan in laga caawiyo lacagta internetka

0
129

Golaha deegaanka magaalada Bergen ayaa dhawaan meelmariyay xeer dhigaya in qoysaska saboolka ah, ee heysta ilmaha dhigta iskuulada ay soo codsan karaan in laga caawiyo lacagta khadka internetka.

Sababta arintaas ka danbeyso ayaa lagu sheegay in innetnetku uu noqonayo qeyb muhiim ah oo kamid ah waxbarashada ardeyda ee iskuulada, gaar ahaan ka shaqeynta casharada ardeyda guriga loogu diro. Sidoo kale hadii uusan gurigu laheyn Internet, waxay keeni kartaa kalinomo  caruurta ah.

Erlend Horn oo katirsan xisbiga Venstre, kana mid ah golaha deegaanka Bergen ayaa sheegay in qoysasku hada internetka heysta ee lacagta ceyrta ah ka hela dowlada ay heli doonaan 600 oo dheeri ah bishii. Arintan ayaa qeyb ka ah hadafka la dagaalanka saboolnimada oo golaha deegaanka Bergen ay sheegeen inay yareyn doonaan.

Xigasho/kilde: NRK(halkan kasii akhri warkan)

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments