Bergen: Cabdullahi CC oo u sharaxan bilada doodyahanka sanadka 2017 ee wargeyska BT.

0
150
Abdullahi CC, Bergen Foto: Faksimile/Bergens Tidende

Cabdullahi Cilmi Ibrahim oo kamid ah aqoonyahada soomaaliyeed ee Norway, kuna nool magaalada Bergen ayaa kamid noqday sadex qof oo u sharaxan bilada doodyahanka sanadka(Årets debattant) ee wargeyska Bergens Tidende oo kasoo baxa magaalada Bergen.

Cabdullahi  ayaa sanadkan maqaalo badan kusoo daabacay wargeyska BT, isaga oo si fiican uga qeyb qaadanayay doodaha la xiriira soo galootiga, muslimiinta iyo gaar ahaan soomaalida.

Bergens Tidende ayaa ah wargeyska ugu weyn ee kasoo baxa magaalada Bergen oo ay kunool yihiin ilaa 300.000 qof. Waana magaalada labaad ee Norway ugu dadka badan, marka laga soo tago Oslo.

Khamiistan ayaa la ogaan doonaa qofka ku guuleysta biladaas, balse waxaa sharaf ah in qof soomaali ah uu kasoo muuqdo liiska musharaxiinta bilad laga bixinayo magaalo ay kunool yihiin ku dhawaad 300.000 qof.

Cabdullahi ayaa sanadkii tagay iyo waliba kii kasii horeeyayba, maqaalo dhowr ah kusoo daabacay wargeyskan NorSom News, waxaana uga mahad celineynaa qeybta weyn ee uu ka qaatay wacyigalinta , baraarujinta iyo hagitaanka bulshada soomaaliyeed ee Norway.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments