lørdag, april 20, 2024

Afhayeenka wasaarada amniga: Danbi ma ahan in wasiirka amnigu uu la kulmo Listhaug.

Maalintii jimcaha aheyd waxaa magaalada Nairobi uu kulan ku dhexmaray wasiirada soo galootiga dalkan Norway Sylvi Listhaug iyo wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow. Waxaana kulankooda ku sadeexeyay Maxamed Cabdi Afeey oo qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga soomaalida ah ee dalkoodii dib loogu celinayo.

Wargeyska VG ayaa inta uusan kulankaas dhicin kahor sheegay in Listhaug ay wasiirka amniga Soomaaliya kala hadli doonto labo qodob oo kala ah: Dhaqan-gelinta heshiiska dib u celinta ay wada gaareen Norway iyo Soomaaliya, iyo arinta caruurta loo dhaqanceliyo dugsi quraanada. Halkan ka fiiri 

(VG:Når innvandrings innvandrings og integreringsminister Sylvi Listhaug fredag har et møte med Somalias sikkerhetsminister, er det for å diskutere «iversettelse av returavtalen» mellom Norge og Somalia. Og koranskoler.)

Waxaan ilaa jimcihii isku dayeynay inaan la xiriirno wasaarada amniga Soomaaliya, si aan wax uga ogaano waxa uu kulankaas ku saabsanaa iyo waxyaabaha ay isku afgarteen labadan wasiir. Nooma aysan suurtogalin helida xiriirka wasiirka, balse waxaan xiriir khadka telefoonka ah kula xiriirnay Cabdi Aziiz Xildhibaan oo ah la taliyaha wasiirka amniga, ahna afhayeenka wasaarada amniga.

Xildhibaan oo aan weydiinay waxa uu salka ku hayay kulankaas ayaa noo sheegay in isagu uusan ka qeybgalin kulanka labada wasiir, uuna wax war ah ka bixin karin, ayna tahay in su aashaas la weydiiyo wasiirada ay khuseyso.

Wuxuu sii raaciyay in hey´adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ay hoos tagto wasaarada amniga, sidaas darteed uu wasiirka amnigu uu shaqo ahaan la kulmi karo wasiirada soo galootiga Norway.

«Walaalow, ma aqaan sida aad wax u rabtid iyo waxa aad raadineyso, balse kulankaas anigu ma joogin, waxaan kaala hadlayaa Muqdisho. Laakiin danbi ma ahan in labo wasiir oo dowlado matala ay kulmaan. In wasiirku uu dowladaha kale la kulmo, waa waxa loo magacaabay, waana shaqadiisa. Wixii intaas dhaafsiisan wasiirada kulmay iyagaa la weydiin, anigu kulankaas ma joogin». 

Suudaan iyo Ethiopia oo ku gacan seyray qorshayaasha Listhaug:

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway ayaa booqasho ku tagtay dalalka Suudaan iyo Ethiopia, kuwaas oo labaduna ka cago jiiday inay ogolaadaan qorshaha Listhaug. Suudaan ayaa ku gacan seyrtay in dalkeeda lagu hayo qoxootiga raba inay Yurub usoo tahriibaan.

Ethiopian ayaa Listhaug u dirtay wasiir ku xigeen, taas oo loo fasiri karo fariin ku aadan muhiimada socdaalka ay Ethiopia ku joogto. Waxeyna hordhigeen shuruudo adag oo ku aadan heshiiska dib u celinta ay raadineyso. Wasiirada ayaa laftirkeeda qiratay inay Ethiopia ku sugayaan wada hadalo adag. Dadka ugu badan ee diidmada ka heysto magangalyada Norway, waxey kasoo jeedaan dalka Ethiopia, laakiin ilaa hada ma jiro qof loo tarxiilay dalkaas.

Badalka Ethiopia, Listhaug ma aysan booqan Soomaaliya, balse wasiirka amniga ayaa iyada ugu yimid Nairobi oo Kenya ah, si uu uga hadlo arimaha amniga Soomaaliya(shaqada wasaaradiisa)

Wixii arintan kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x