Xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway oo wasiirada caruurta weydiiyay, wax qabashada caruurta wadanka dibadiisa looga soo tago.

0
124

Jan Bøhler oo ah xildhibaan katirsan xisbiga shaqaalaha(Ap), lagana soo doorto magaalada Oslo ayaa kalfadhiga baarlamaanka Norway wasiirada caruurta ku weydiiyay su´aal ku saabsan caruurta looga soo tago wadanka dibadiisa, isaga oo markaas tusaale usoo qaadanayo caruurta Soomaaliya looga soo tago.

Bøhler ayaa kamid ah xildhibaanada arintan sida aadka ah uga hadla ayaa wasiirada wax ka weydiiyay inay qiimeyneyso  in sharciga Norway wax laga badalo, si wax looga qaban karo caruuraha looga soo tago wadanka dibadiisa.

Wasiirada wasaarada caruurta iyo dhalaanka Solveig Horne(Frp) ayaa laga sugayaa jawaabta su´aasha Jan Bøhler.

Dooda ku saabsan caruuraha dibada looga soo tago ayaa dhowrkii isbuuc ee ugu danbeysay aad uga aloosnaa warbaahinta Norway, iyada oo mar walbe tusaale loo soo qaadanayay warbixin laga diyaariyay labo dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo loo dhaqan celiyay Soomaaliya, sheegeyna inay halkaas kula soo kulmeen jirdil.

Xigasho/kilde: Stortinget.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments