Wasiirada soo galootiga oo lagu heysto tirokoob ay si aan tifaftirneyn u adeegsatay.

0
156
Listhuag

Isniintii lasoo dhaafay ee isbuucan, ayay wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta Norway ee SSB soo saartay tirokoob lagu soo bandhigay danbiyada ay galaan dadka soo galootiga ah iyo caruurta ay dhaleen.

Tirokoobkan ayaa lagu sheegay in dadka soo galootiga ah ay galaan danbiyo ka badan kuwa dadka kale, marka loo fiiriyo tirada ay wadanka ku daganyihiin. Sidoo kale caruuraha ay dhalaan soo galootiga ayaa gala danbiyo 150% ku dhawaad ka badan danbiyada ay galaan dadka kale ee wadanka kunool, marka loo fiiriyo tiradooda.

wp_ad_camp_1

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa barteeda Facebooga soo dhigtay qoraal wato sawir ka turjamaya danbiyada ay galaan soo galootiga oo ka badan kuwa dadka kale, waxeyna cuskaneysay warbixinta SSB.

Webka Faktisk.no oo ah web hubiya xaqiiqda wararka ay qoraan warbaahinta ama ay dhahaan siyaasiyiinta ayaa baaritaan kadib sheegay in tirokoobka ay adeegsaday Listhaug uusan aheyn mid tifaftiran, isla markaana xaqiiqda ka turjumayo. Waxeyna sheegeen in tirokoobka ay Listhaug ay adeegsatay uu danbiga soo galootiga ka dhigayo mid ka badan kan runta ah.

Listhaug oo dhankeeda ka jawaabeyso arintaas ayaa sheegtay in tirada iyo da´da qofka danbiga galay aysan waxbo tareynin qofka dhibanaha ah.

Wasiirada soo galootiga ayaa aheyd markii horeba qofkii dalbaday in la sameeyo tirokoobkan, inkasta oo markii danbe uu noqday mid ka duwan sidii ay rejeysay, maadaama warbixinta lagu sheegay in danbiyada ay galaan soo galootiga ay soo yaraanayaan.

Xigasho/kilde: NRK

wp_ad_camp_1

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments