Warbixinta SSB: Soomaalida oo booska 4-aad uga jiro soo galootiga danbiyada ka geysta Norway

0
129
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Waxaa maanta lasoo bandhigay warbixin ku saabsan danbiyada ay dalkan Norway ka geystaan dadka soo galootiga ah, warbixintaas oo aheyd mid lagu muransanaa soo bandhigisteeda in mudo ah.(Hoos ka akhriso warbixinta oo 88 bog ah oo dhameystiran).

Xubnaha xisbiga FRP ee baarlamaanka ayaa markii hore wakaalada xog uruurinta dalkan Norway ee SSB ka dalbaday inay warbixintaas sameeyaan, balse SSB ayaa iska diiday, iyaga oo sabab uga dhigay inay kordhin karto faquuqa iyo takoorka lagu hayo dadka soo galootiga ah.

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway, S. Listhaug ayaa markii danbe SSB ku amartay inay sameeyaan warbixintaas.

Waalid: 49%+, dhalinyaro: 151%. 

Warbixintan oo maanta soo baxday ayaa guud ahaan lagu sheegay in danbiyada ay geystaan dadka soo galootiga ah ay 49% ka badanyihiin danbiyada ay geystaan dadka wadanka u dhashay, marka loo fiiriyo tiradooda wadanka ay joogaan. Halka caruurta ay soo galootigu dhalaana ay 151% ka danbiyo badanyihiin dadka kale.

Dadka wadanka kusoo galay qoxootinimada ama dacwo ahaan lagu keenay ayaa sidoo kale warbixintan lagu sheegay inay ka danbiyo badanyihiin soo galootiga qaababka kale wadanka kusoo galay.

1800 Soomaali ah oo Norway danbiyo ka geystay xiliga warbixinta laga diyaariyay: 

Warbixinta SSB oo ah mid laga diyaariyay dadka danbiyada Norway ka geystay mudadii u dhaxeysay 2010 ilaa 2013, ayaa lagu soo bandhigay wadamo dhowr ah oo ay kasoo jeedaan soo galootiga ugu badan ee danbiyada Norway ka geysta.

Kala sareynta wadamadan ayaa lagu jaan-gooyey tirada guud ee dadka dalkaas kasoo jeedo ee Norway kunool. Dadka warbixintan laga sameeyay ayaa ah kuwii Norway degenaa sanadkii 2010-ka, isla markaana danbiyo Norway ka geystay wixii u dhaxeeyay 2010-ilaa 2013-da.

Booska koowaad waxaa kujiro Kosovo(1098 qof).

Booska labaad:  Waxaa kujiro Afgaanistaan (908 qof)

Booska sadexaad waxaa kujiro Ciraaq: (2191 qof)

Booska afaraad waxaa soo galayo soomaalida (1800 qof).

Booska shanaad waxaa kujiro Iran( 1343)

Sidaas ayayna kusii soconayaan. Hadii aad rabto inaad aqriso warbixintan oo dhan hoos ka fiiri.

Soomaalida booska sadexaad hadii si kale loo fiiriyo. 

Hadii si toos ah loo xisaabiyo qof iyo madax soo galootiga danbiyada ka geysta Norway, iyada waxay soomaalidu galeysaa booska sadexaad(1800 qof), waxaana naga horeeya oo kali ah, dadka kasoo Polen(2911) iyo Ciraaq(2191).

Halkan ka akhri warbixintan SSB oo dhameystiran

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments