UDI-da oo kordhisay lacagta laga qaado qofka marka uu codsanayo degenaanshaha, ama uu u dacwoonaya qoyskiisa.

0
132

Sida lagu soo bandhigay webka ay hey’adda agaasinka soo galootiga Norway ay ku leedahay internetka (linkiga hoose), waxaa la kordhiyay lacagta dadka laga qaado marka ay codsanayaan sharciyada qaar, wixii ka danbeeyo kowda bisha Janaury ee sanadka cusub 2018.

Waxey kordhiyeen lacagta uu qofka bixiyo marka uu degenaansho codsanayo oo markii hore aheyd 2100, hada waxey ka dhigeen 3100 NOK.

Sidoo kale lacagtauu bixiyo qofka marka uu u dacwoonaya qof qoyskiisa ah ayaa laga dhigay 10.500 NOK, halkii markii hore ay ka aheyd 8000.

Qofka marka uu cusbooneysiiyo ogolaanshaha dadka dacwada lagu keenay ayay sidoo kale ka dhigeen 2600, iyada markii hore ay aheyd 2200 nok.

Taa badalkeeda waxa ay hoos u dhigeen lacagta uu qofku bixiyo marka uu codsanayo dhalashada ama passportka Norway. Waxeyna ka dhigeen 3700, halka markii hore ay aheyd 4200.

Xigasho/kilde: UDI.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments