UDI: Mudadii u dhaxeysay 2012-2016, waxaan dhalashada Norway kala noqonay 42 qof oo soomaali ah.

0
87

Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa aad usoo badanayay tirada dadka soomaalida ah ee dhibaatada ay kasoo gaareysay dhanka sharciyada. Mowduuca ku saabsan sharciyadana, waxa uu noqday kan loogu hadalka badanyahay goobaha ay soomaalidu ku kulanto, waxaana soo weheliyo arinta caruuraha ay dowladu la wareegto xanaanadooda.

Inkasta oo dadka ugu badan ee dhibaatooyinka dhanka sharciga la kulma ay yihiin dad wadanka ku cusub, hadana waxaa dhankooda soo badanaya dadka soomaalida ah ee lagala noqonayo dhalashada dalkan Norway, oo ay qaateen mudo aad u badan kahor.

Wariyeyaal ka socdo warbaahinta NorSom News ayaa dhawaan wareysi dheer oo meelo badan ka hadlaya la yeeshay qeybta UDI-da u qaabilsan ka shaqeynta kiisaska la xiriira dadka soomaalida ah. Waxaana aan weydiinay su¨aalo badan oo ay inta badan isweydiiyaan dadka soomaalida ah. Jawaabaha wareysigan oo dhameystiran waxaan kusoo bandhigi doonaa NorSom Magazine oo ah qeyb cusub oo aan dhawaan kusoo kordhin doono warbaahinta NorSom News.

42 ayaa ka soomaali ah 137 qof oo dhalashada Norway lagala noqday.

Therese Bergwits Larsen oo katirsan qeybta ka shaqeynta codsiyada dhalashada Norway ayaa NorSom News u sheegtay in mudadii u dhaxeysay sanadkii 2012- ilaa 2016 ay UDI-du dhalashada Norway dib ugala noqotay ilaa 137 qof oo kasoo jeedo wadamo kala duwan.

Waxaana ay UDI-du noo xaqiijiyay in dadka soomaalida ah ee dhalashada ay kala noqdeen mudadaas ay dhanyihiin 42 qof oo soomaali ah(oo kamid ah 137-kaas), intooda badana ay yihiin dad sheegtay inay Soomaaliya kasoo jeedaan, balse markii danbe la ogaaday inay kasoo jeedaan wadamada dariska la ah Soomaaliya, sida Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

Sida uu wargeyska VG qoray bilo kahor dadka ugu badan ee sharciyada ay UDI-du kala noqoto, waxey kasoo jeedaan dalka Soomaaliya.

Ilaa 500 ayaan baaritaan ku wadnaa:

Therese Bergwits waxa ay sidoo kale noo xaqiijisay in UDI-du ay hada wado ka shaqeynta ilaa 500 kiis oo la xiriira arinta dhalasho kala noqoshada. Balse aysan arintaas wax go’aan ah UDI-du ka gaari karin, maadaama lagala wareegay awooda dhalasho kala noqoshada, dowladuna aysan wali soo bandhigin sharciyo cusub oo arintaas ku saabsan.

Awooda UDI-da ayaa hada kusoo koobantay inay sii diyaariyaan kiiska kala noqoshada qofka, ayna maxkamada la hortagaan. Balse wax go’ aan kama gaari karaan ilaa ay dowladu keento sharciyo arintaas ku saabsan,

Dadkan ayaa kiisaskooda wali ay yihiin dad laga shakisanyahay, balse aan laga gaarin wax go’ aan ah. Waxeyna dhalasho ahaan kasoo jeedaan wadamo kala duwan, soomaaliduna ay kamid yihiin.

Wareysiga UDI-da aan la yeelany iyo waliba qaabka ay uga shaqeeyaan ama u baaraan kiisaska kala noqoshada sharciyada dhalashada, waxaan kusoo bandhigi doonaa tirsiga koowaad(cadadka koowaad) ee NorSom Magazine oo soo bixi doono bilowga bisha January.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments