SVT: Sweden oo xabsi iyo musaafurin isugu dartay soomaali xaaskiisa faas ku weeraray.

0
183
Foto: Booliska Sweden

Sida uu tabinayo tv-ga qaranka Sweden ee SVT, maxkamad kutaal Sweden ayaa 2 sano iyo bar xabsi ah, iyo 10 sano oo musaafuris ah isugu dartay Khadar Abdi oo ah 39 sano jir soomaali ah, kaas oo xili sii horeeyay faas ku weeraray xaaskiisa.

Khadar ayaa marka uu falkan geystay kadib ka baxsaday Sweden, waxa uu iska dhiibay oo nolol uu rabay inuu ka bilowdo dalka Austria, halkaas oo uu xaas cusub ku aroosay. Khadar ayaa in mudo ah kamid ahaa dadka ay booliska Sweden ugu raadinta badnaayeen, wuxuuna safka hore kaga jiray dadka ay raadineyso hey’adda Interpol.

Xeer ilaalinta ayaa Khadar kusoo oogtay fal danbiyeedyo ay kamid ahaayeen isku day dil, balse maxkamada ayaan Khadar ku helin danbigaas, maadaama uusan adeegsan dhinaca(afka ah) ee faaska.

Warbaahinta Sweden qaarkeed ayaa qoreyso in xiliga uu Khadar xaaska weeraray ay aheyd qof uur leh, iyada oo horey ugu heysay sideed caruur ah.

 

Xigasho/kilde: Expressen.se, SVT-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments