Sumaya Jirde oo ku guuleysatay bilada shaqsiga sanadka ee magaalada Bodø.

0
357
Foto: Erlend Skaug Ingebrigtsen

Sumaya Jirde Cali oo ah gabar dhalinyaro soomaali ah ayaa loogu codeeyay inay noqoto shaqsiga sanadka ee magaalada Bodø ee woqooyiga dalkan Norway. Biladan ayaa waxaa bixiya wargeyska lokalka ah ee magaalada, waxaana qofka ku guuleysanaya u codeeya akhristayaasha wargeyska ee magaalada degan.

Magaalada Bodø ayaa waxaa degan dad dhan 51.000 qof, waxaana Sumaya tartan kula jiray ilaa dhowr qof oo kale oo Norwiiji.

Sumaya ayaa guuleysiga bilada kadib, waxay aflagaado iyo caay kala kulantay dad ka xun in loo doorto shaqsiga sanadkan ee magaalada Bodø. Iyaga oo ku cunsuriyeynayo inay tahay gabar madow oo xijaab xiran.

Sumaya ayaa sidoo kale sanadkan kamid aheyd dadka u sharaxan bilada «Jentaprisen» oo ay bixiso hey´adda Plan Norge.

Xigasho/kilde: Bodonu.no, Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments