Stavanger: Wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya oo safar qarsoodi ah maalmo ku joogay magaalada Stavanger

0
113
Wasiirka macdanta Soomaaliya

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso dhowr ilood oo kala duwan, laguna kalsoonaan karo, wasiirka macdanta iyo batroolka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar qarsoodi ah(aan la shaacin) bilowgii bishan Desember ku yimid dalkan Norway, gaar ahaan magaalada Stavanger ee gobalka Rogoland.

Safarka wasiirka ayaa waxaa sida naloo xaqiijiyay ku weheliyay ilaa lix qof oo katirsan wasaarada batroolka iyo macdanta, waxeyna kulamo kala duwan magaalada Stavanger kula qaateen khubaro iyo masuuliyiin matalaya dowlada Norway.

Waxaa naloo xaqiijiyay in lixda qof ee wasiirka ku wehelisay safarkiisa,  ay tababar maalmo socday ku qaateen Stavanger, iyada oo wasiirkuna dhankiisa uu la kulmay masuuliyiin ka socoto dowlada dalkan Norway.

Sidoo kale shaqaale katirsan wasaarada batroolka oo magaalada Muqdisho ku sugan, ayaa NorSom News u xaqiijiyay jiritaanka safarka wasiirka batroolka ee Norway, inkasta oo uu ka gaabsaday inuu nooo faahfaahiyo ujeedka rasmiga ah ee safarka wasiirka macdanta iyo batroolka.

Waa safarkii labaad oo qarsoodi ah: 

Ma ahan markii ugu horeysay oo masuuliyiin ka socdo wasaarada batroolka iyo macdanta Soomaaliya, ay safaro qarsoodi ah ku imaadaan dalkan Norway.

Bishii May ee sanadkan ayuu sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaarada batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal safar qarsoodi ah ku yimid Norway.

Hilaal ayaa markaas la kulmay agaasimaha waaxda dalalka soo koroyo ee wasaarada arima dibada Norway, Tone Skogen. Wuxuuna sheegay in Norway ay Soomaaliya gacan ka siineyso dhameystirka siyaasada batroolka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Bishii September ayuu sidoo kale safiir ku xigeenka safaarada Norway ee Soomaaliya, kulan magaalada Muqdisho kula qaatay wasiir ku xigeenka shidaalka iyo macdanta.

Norway ayaa horey u sheegtay inay gacan ka geysaneyso soo celinta kaabayaasha dowliga ah ee Soomaaliya, waxeyna Norway kamid tahay wadamada dhaqaalaha joogtada ah ku bixiyo Soomaaliya.

Sida muuqato, Norway ayaa si gaar ah u xiineyso arimaha shidaalka, maadaama marar kala duwan tababaro Norway loogu qabtay shaqaale katirsan wasaarada macdanta iyo shidaalka.

Wafdigan ugu danbeeyay ee ka socday dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Norway, gaar ahaan Stavanger ku sugnaa mudo isbuuc iyo bar ah, kahor inta aysan maalmo kahor ka dhoofin Norway.

Lama garan karo sababta dhabta ah ee ka danbeyso in masuuliyiinta ka socoto wasaarada shidaalka Soomaaliya,  ay u qariyaan safarada ay ku yimaadaan dalkan Norway.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments