SSB oo bari(isniin) soo saari doonto dalalka ay kasoo jeedaan soo galootiga danbiyada Norway ka geysta.

0
183

Wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta dalkan Norway ee SSB ayaa beri soo saari doonto tirokoob aad loogu muransanaa beryihii ugu danbeeyay, kaas oo ku saabsan dalalka ay kasoo jeedaan dadka soo galootiga ah ee danbiyada ka geysta Norway.

Xubnaha baarlamaanka xisbiga FRP ayaa SSB sanad kahor ka dalbaday inay warbixintaas sameeyaan, laakiin SSB ayaa arintaas iska diiday, iyaga oo sheegay inay keeni karto fuquuq ka dhan soo galootiga.

Wasiirada soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa markii danbe SSB ku amartay inay warbixintaas sameeyaan, waxaana bari lasoo bandhigi doonaan tirokoobkan markii ugu horeysay taariikhda Norway.

Waa mid intee le´eg tirokoobka danbiyada ay galaan soomaalida?

Warbixintan ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo lasoo bandhigo, sidaas darteed waxaa hubaal ah inay ka dhalan doonto dood xoogan oo ku saabsan soo galootiga falal danbiyeedyada ka geysta Norway.

Dalka Denmark ayaa arintan kusoo dhaqmayay mudo badan, waxaana muuqato in soomaalidu, gaar ahaan raga ay kaalmaha ugu horeeya kaga jiraan soo galootiga danbiyada ka geysta Denmark.  Caruurta soomaalida ah ee ku dhalatay ama ku kortay Denmark ayaa iyagan dhankooda booska labaad kaga jiro dhalinyarada soo galootiga ah ee danbiyada ka geysta Denmark.

Hadii laga qiyaas qaato xaalada Denmark, waxey warbixinta beri lasoo bandhigi doono yeelan kartaa wel-welkeeda, iyo inay keeni karto fuquuq cusub oo ka dhan soo galootiga wadankan kunool.

Waxey noqotaba, waxaa haboon ka jaaliyad ahaan soomaalidu inay sida ugu haboon ugu diyaar garoobaan arintaas, ayna si qurux badan uga jawaabaan, waa hadii ay warbaahintu sidii caadada u aheyd nagu soo qaloociyaan danbiga ama ay sameeyaan generalisering(danbi wadareed).

Halkan ka akhriso warbixin uu Aftenposten ka diyaariyay arintaas. 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments