Sonna: Soomaaliya oo sanadka cusub kadib, si rasmi ah ula soo wareegeyso maamulka hawada.

0
95

Sida ay soo tabisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda ee dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Cumar oo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in muddo labo todobaad gudohood ah kadib ay dowlada Soomaaliya si rasmi ah ula soo wareegi doonto maamulka hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in lasoo wareegista maamulka hawada ay guul u tahay dowlada Soomaaliya, maadaama ay Soomaaliya heli doonto dhaqaale ay xaq u laheyd uu ku bixi jiray meelo kale. Dhaqaalahaas iyo dhamaan maamulka kale ee hawada ayuu wasiirku sheegay inay Soomaaliya si rasmi ula soo wareegi doonto wixii ka danbeeyo sanadka cusub ee 2018-ka.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in hey´addo kale ay ku lug yeelan doonaan maamulka hawada, ilaa inta tababar dhameystiran loo sameynayo shaqaale soomaali ah oo la wareega gacan ku heynta maamulka hawada Soomaaliya.

Dhowr iyo labaatankii sano ee ugu danbeeyay, waxaa hawada Soomaaliya maamulayay hey´addo kale oo oo ajaaniib ah. Dowlada Soomaaliya ayaa mudo dheer dadaal ugu jirtay inay lasoo wareegto maamulka hawada Soomaaliya.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments