Sidee ugu haboon oo aad hankaaga ku rumeyn kartaa sanadka cusub ee 2018.

0
428

Haddii aad shalay ahayd 10 jir, maanta waxaad tahay 11 jir. Marwalbo oo sanad kuu kordha waxaa isbedelaayo noloshaada, sidda qaab dhismeedka jirkaaga, koritaankaaga, wajigaaga, garaadkaaga iyo waliba inaad fahanto waxwalbo oo adiga kuuguu heeraarsan. Waana fara kutiris dadka nolosha fahma sawabaha ay u noolyihiin.

Hadaba dad badan waxay raadinayaan sidda ay nolosha isbedel ugu sameyni lahaayeen. Si aad nolosha isbedel joogta ah ugu sameyso waxaad u baahantahay hal shey oo kali in lagaa helo. “tallow waa maxay?” haddii lagaa helo sheygaasi nolosha waad guulaysatay, laakiin haddii lagaa waayo waad guuldaraysatay. Sheygaasi waa han-weynida.

Hadaba han-weynida “Himmada sarre” waxaa lagu tibaaxaa inay tahay matoorka kiciya awooda iyo tamarta ku qarsoon ruux walba, waxaana la isku raacsanyahay inuu qof kastaba karti leeyahay. Hadaba matoorkaasi awoodo kalle duwan ayuu leeyahay, taasina waxaa la dhihi karaa waa hanka ruuxa leeyahay, siddaa awgeed baad arkaysaa dad isku lood ahaa oo kukala tagay nolosha, midbaa ah ma gudbe waligii hal meel ka miisa, midbaa hankiisu sii laba qarxaa siddii Cumar Ibnu Cabdulcasiis (R.C) oo la sheegay inuu ku hamini jiray inuu noqdo amiirul Mu’miniin kadibna markii uu noqday uu u badalay hankiisii Janno inuu galo, wuxuuna yirri “adduunyo arkayee hamigaygu waa Janno.”

Sanad walbo wuxuu sittaa waxwalbo oo Illaahay xaggiisa ka qoran. Waxaa laga yabaa inaad waxyaabo badan oo kamid ah qorshaha noloshaada qorsheysatay balse aysan u dhicin waxwalbo sidda aad adiga u rabtay. Waxaa wada ogsoonahay saacadwalbo oo na dhaafto waxaa kordhaayo cimriga nolosheenna. Waxaana shaki ku jirin in marwalbo loo baahanyahay aragti iyo halka ay nolosha hiigsani karto. Qofwalbo wuxuu jecelyahay innuu nolosha ka gaaro guulo fiican balse dad badan ayaa ku calaacalo in wakhtiga u saamixi waayay.

“Bini’aadamka aad ayay ugu fiicanyihiin inay illaaliyaan quruxda jirkooda, laakiin inyar ayaa illaaliyaan quruxda dadnimadooda.”

Inaad wado la fahmi karo jeexato waa kuu sharaf, waxaana lagama maarmaan ah inaad la timaado aragti iyo waliba meel aad hiigsanayso. Sanadka inta uusan dhalanin waxaa lagaaga baahanyahay inaad la timaado qorshe cad ee kuu qoran adiga iyo waliba qaababka aad ku gaari garto hadafyada ugu waa weyn ee noloshaada. Waligaa ha noolaanin qorshe la’aan, inkastoo waxwalbo Illaahay s.w.c xaggiisa ay ka qoranyihiin. Qorshaha cad waa waxyaabaha ay aadanuhu isku dhaafeen, haddii aad tahay shaqsi nool bilaa qorshe sanad walbo oo dhashana wuxuu kaaga dhammaani doonaa billaa macno daro.

Waa siddee qaababka ugu fudud ee aad wakhtigaaga ku illaalini karto? Haddii aad doonayso inaad wakhtigaaga illaaliso raac qodobadaan hoos ku qoran.

  • Marka horre ka fogaaw waxwalbo oo aanan ku jirin dantaada. Noqo qof ay ka dhacdo dan. Haddii la ogaado inaadan ahayn qof dan leh, xittaa dadka kale marka ay kuu baahdaan si fudud ayay kuugu yeerayaan. Hana iskudayin inaad tiraahdo waan mashquulsanahay adigoo ay dadka ku barteen inaad tahay shaqsi aanan dan lahayn.
  • Hurdada badan iskadaa ama jiifka badan. Waan ogsoonahay in hurdada ay tahay caafimaad balse hadana waxaa wanaagsan inaad ka tagto hurdada middeeda aadan u baahneen waa haddii aad rabto inaad wakhtigaaga si wanaagsan u isticmaasho.
  • Ka tag hadalka midkiisa aadan u baahneen. Haddii aad u hadasho waa la hadlaa hadal ma ahan. Marwalbo oo aad hadlayso waxaa wanaagsan inaad ku hadasho hadal nuxur leh. Haddii ay kaa tahay iska hadalna dabcan adigana waad la socotaa inaysan middaasi waxbo kusoo kordhinaynin, xittaa dadka kale ee adiga ku dhagaysanaayo wey ku dhibsanayaan haddii aad iska hadal badantahay, in talo lagu weydiistana way yartahay sawabtoo ah wakhti horeba waxaa laguugu bartay inaad iska hadasho.
  • Qorsheyso maalin walbo waxa aad rabto inaad qabato. Haddii ay kuu qorsheysantahay maalin walbo waxaad qabanayso waxaad garani kartaa halka ay u socoto noloshaada iyo waliba rajada mustaqbalka noloshaada.
  • Wakhti fiican seexo. Inaad wakhti fiican seexato waa qeyb kamid ah illaalinta wakhtigaaga. Haddii aad tahay qof ay ku yartahay hurdada waxaa laga yabaa inaad subaxdii istiraahdo kaffey cab si uu caajiska kaaga kaco. Caajis kaama kacaayo haddii jirkaaga wali u baahanyahay nasiino. Nasiinada jirkaaga waad u baahantahay marwalbo. Haddii ay kugu adagtahay inaad habeenkii wakhti fiican seexato waxaad sameysaa inta aadan seexanin wax aqri illaa ay maskaxda ku daasho. Isticmaal buuggaag aad ugu tala gashay aqris oo kali hana noqdeen kuwa iska caadi ah sidda sheekooyin dhacday oo kale ama arrimo kale oo u baahan inaad ku tusaale qaadato. Marka aad hurado illaa 9 saacadood subaxdii waa kaa muuqanaayo firfircooni badan iyo in jirkaaga diyaar u yahay innuu shaqeeyo.

Waxaan ka wada marqaati nahay rasamaalka ugu weyn ee bini’aadanka haysto inay tahay wakhtiga. Haddii aad dayacdo wakhtigaaga waxaad dayacday cimrigaaga. Waxyaabaha ugu fiican ee aad wakhtigaaga ugu faa’idaysani karto waa wax aqriska. Marwalbo oo aad wax aqriso waxaa kuu soo kordhaayo caqli iyo garaad horleh, waxaadna noqonaysaa shaqsi horey u socda marwalbo. Maalmaha ugu horeeya wax akhrisku aad bilaawaysid waa kugu dhib waa daalaysaa, waa caajisaysaa. Laakiin waxaa fiican inaad si macquul ah iyo tartiib ah ku bilowdid oo aad joogtaysid oo aad akhrisid buuggaag ama kitaabo markaas heerkaaga ah haddii aad buuggaag ama kitaabo kaa waa-wayn isku bilowdo waa kugu dhib iyo baxar kaa wayn oo aad qoorta gashatay.

Marka walalayaal wax akhrintu waa kobaca maskaxda oo kaa dheeraynaya jahliga, kuuna dhawaynaya horumarka iyo wanaaga. Hormarkaaga waa horumarka dadkeena, dib u dhacaagana waa dib u dhaca dadkeena” umad walbaa dhalinteeda laga arkaa”. Waqtigaan rajada ummadeena ma xumo, inta dhimana waxaa loo baahanyahay inay dhameystiraan dhalintii wadanka sugaayay.

“Farxad ku noolaaw marwalbo, illaahay hakaaga dhigo sanad qeyr qabo oo aad ku guulaysatay hadafyaddii aad ka lahayd sanadka, marwalbana niyada ku haay inaad guulaysani karto haddii aad ficil la timaado. Sanad wacan” –

W.Q: Cabduljabaar Sh. Axmed


Wixii maqaal ama fikir ah waxaad noogu soo diri kartaa norsomnews@gmail.com

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments