NETTAVISEN+NTB: Ibrahim Mohamed Hassan oo loo badinayo inuu noqdo wasiirka shidaalka cusub ee Somaliland

0
166
Sawirka Foto: Linkeldn

Sida uu dhowr ilood oo kala duwan kasoo xiganayo wargeyska Nettavisen ee dalkan Norway, Eng. Ibrahim Mohamed Hassan oo 66 sano jir ah(sawirka kore), kana tirsan jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Norway ayaa loo badin karaa inuu noqdo wasiirka cusub ee ee wasaarada shidaalka Somaliland.

Ibrahim Mohamed Hassan oo ah ingineer magaalada Stavanger ka bartay cilmiga injineernimada shidaalka, ayaa kamid ah soomaalidii ugu horeysay ee dalkan Norway soo gashay sanadadii 1970-meeyadii. Waxa uu sidoo kale horey uga soo shaqeeyay shirkado ay kamid yihiin Saga Petreolum iyo Asante oo Norway laga leeyahay.

Nettavisen oo soo xiganayo ilo ku sugan Somaliland ayaa maanta qoray in Ibrahim uu kamid yahay labo xubnood oo loo badaniyo in midkood uu noqdo wasiirka cusub ee shidaalka Somaliland. Kadib doorashadii dhawaan ka dhacday halkaas, laguna doortay madaxweynaha cusub ee Muuse Biixi Cabdi.

Ibrahim Mohamed Hassan ayaa hada u shaqeeyo shirkada Genel Energy oo hada kamid ah shirkadaha sida xoogan shidaalka uga baara gudaha Somaliland.

Stig Jarle Hansen oo ah bare wax ka dhiga jaamacada ÅS ayaa Nettavisen u sheegay in arintan ay niyad wanaag u muujin karto shirkadaha Norwiijiga ah ee raba inay maalgashadaan qodista shidaalka Somaliland. Isaga oo raaciyay in magacaabista Ibrahim ee wasiir shidaalka ay arintaas wadada usoo xaari karto.

Hansen ayaa dhanka kale sheegay in shirkadahan ay si wanaagsan uga baaraan dagaan maalgashiga iyo shidaal ka baarista Somaliland, maadaama aysan wali helin aqoonsi caalami ah oo dowladeed. Isaga oo raaciyay in laga fakari karo in shirkadaha shidaalka qodoyo ay ogolaansho uga baahanyihiin dowlada federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho xarunteedu tahay, inkasta oo lacagtooda ay galiyeen Somaliland.

Dhawaan ayaa isla wargeyskan uu qoray in maalqabeenka Norway u dhashay ee Kjell Inge Røkke uu maalgalin badan galiyay shirkad shidaalka ka baareyso Somaliland.

Xigasho/kilde: Nettavisen, NTB-ABC-NYHETER

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments