Maxkamad kutaal UK oo fanaan soomaaliyeed oo caan ah ku xukuntay inuu sil qaldan u qaadanayay lacagta ceyrta dowlada.

0
243
Qoomaal oo ka degaya garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho
Qoomaal MAXKAMADA

Maxkamad kutaal magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa Fanaanka Soomaaliyeed ee caanka ah, Maxamed Axmed Qoomaal ku heshay dambi ah inuu si qaldan u qaadanayay lacagta kaalmada dowlada ee  ceyrta loo yaqaan. Kadib markii uu dib ugu laabtay dalkiisa hooyo ee Soomaliya.

Wargeyska Dailymail ee kasoo baxa dalkaas ayaa daabacay in Qoomaal oo 72 sano jir ah lagu soo oogay dembi ah inuu qaadanayay sanad walba lacag gaareysa £39.000, isaga oo aan joogin dalka UK,  dibna ugu laabtay Soomaaliya, kadib markii uu adkeysan waayay qabowga ka jira dalka Ingiriiska.

Qoomaal ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu sameystay shabad(tiimbare) been abuur ah oo ay leedahay waaxda socdaalka UK, si aan loo ogaan inuusan joojin dalka Ingiriiska.

Fanaankan soomaaliyeed ee caanka ah ayaa lacagta ceyrta qaadanayay laga soo bilaabo august 2013 ilaa february 2016, isaga oo aan markaas joogin UK, balse ku maqnaa Soomaaliya. Sidoo kale waxaa qoomaal u diiwaan gashanaa inuu degenyahay guri ay dowladu siisay, kaas oo uu kasii kireeyay nin saaxiibkiis ah.

Qoomaal ayaa qirtay danbiga lagu soo eedeeyay, waxa uuna maxkamada ka codsaday in la cafiyo. Laakiin waxey maxkamadu markii danbe ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah.

Xigasho/kilde: Mirror.co.uk

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments