Maxaa kasoo baxay shir sanadeedkii qoxootiga ee sanadkan 2017(asylkonferansen).

0
86

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa marar badan su’ aalo nalaga soo weydiiyay qodobadii kasoo baxay shir sanadeedkii magangalyo doonayaasha ee sanadkan 2017 oo dhacay bilowgii bishan Desember.

Shirweynaha magangalyo doonayaasha ama asylkonferansen ayaa ah shir sanadle ah oo ay  sanad walba isugu imaadaan dhamaan hey’ addaha ka shaqeeya arimaha qoxootiga, Norway gudaheeda iyo caalamkaba si ay ugu kala warqaataan, ugana hadlaan xaaladaha qoxootiga ee markaas taagan.

Muhiimada guud ee shirka ayaa ah in hey’adduhu ay kala warqaataan, isla markaana isku ogeysiiyaan wixii markaas cusub ee ku saabsan xaalada qoxootiga iyo magangalyo doonayaasha.

Sidoo kale waxaa shirka sanad walba kasoo qeybgalo qeybo kamid ah siyaasiyiiinta Norway oo raba inay ka jawaabaan wixii arimaha magangalyo doonayaasha kaga saabsan dhanka siyaasada.

Sanadkan waa shirka soo qabanqaabiyay hey’adda u dooda magangalyo doonayaasha ee NOAS, waxaana lasoo qabanqaabiyay hey’addo kale oo ay kamid tahay anti rasistisk senter.

Soomaalida iyo shirka sanadkan:

Sadexda qodob ee ugu muhiimsanaa shirka sanadkan waxaa kamid aheyd xaalada 1420 qof oo soomaali ah, kuwaas oo dowlada Norway ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyadooda, kadib markii ay sheegeen in xaalada amaan ee Soomaaliya ay soo hagaagtay.

Qodobka xaaladaha amaan ee Soomaaliya, waxa uu ahaa qodobada sida aadka ah looga hadlay, loogana dooday shirweynaha.

Ma jirin urur soomaali ah oo sanadkan shirka kasoo qeybgalay, balse hey’adda NOAS ee shirka wax kasoo qabanqaabisay ayaa casuuntay qaar kamid ah dhibanaasha soomaalida ah ee arimaha qoxootiga, si ay dareenkooda usoo gudbiyaan. Waxaana halkaas ka hadlay, fursadna u helay inay su’ aalo soo gudbiyaan dhowr qof oo kamid ah dhibanayaasha soomaalida ah ee shirka ka qeybgalay.

Dadka shirka kasoo qeybgalay intooda badan wey ka warqabeen in xaaladaha Soomaaliya aysan hada aheyn mid u amaan ah sida ay UDI-du sheegeyso.

Khabiir Soomaali ah oo NOAS 12 sano u shaqeynayay:

Waxaan dhawaan soo gudbin doonaa barnaamij muuqaal ah oo aan ka duubnay Abdiwahaab Mohamed Said oo ah khabiir soomaali ah oo hey’adda NOAS u shaqeynayay mudo 12 sano ah. Abdiwahaab ayaa barnaamijkan noogu sharixi doono xeerarka iyo sharciyada qoxootiga Norway, gaar ahaan 1420-ka qof oo ay UDI-du sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto magangalyadooda.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments