Liibaan Cabdi oo qarka u saaran inuu ku biiro koox ka dhisan Sacuudiga.

0
181
Foto: Skjermdump/vg

Sida ay maanta qoreen qaar kamid ah warbaahinta dalalka Norway iyo Sucuudiga, laacibka soomaali norwiijiga ah ee Liibaan Cabdi ayaa qarka u saaran inuu u wareego kooxda Al Itifaaq oo ka dhisan dalka Sucuudiga.

Liibaan oo 29 sano jir ah ayaa sanadkan kamid ahaa xidigaha aadka uga dhex muuqday horyaalka dalkan Norway, balse kooxda Haugesund ayaan heshiiska u kordhin Liibaan, kadib markii uu dhamaaday heshiiskii hore ee uu kooxda kula joogay.

Sida ay qoreen warbaahinta Sucuudiga Liibaan Cabdi ayaa loo badinayaa inuu kooxda Itifaaq u wareego afarta bisha Janaury oo ah marka uu furmayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda dalkaas.

Kooxo ka dhisan horyaalada Turkiga iyo Mareykanka ayaa sidoo kale xiiseynayay inay lasoo wareegaan laacibkan soomaaliga ah ee weerarka garab ka ciyaara.

Xigasho/kilde: HNYTT.NO, Aleqt.com

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments