JP: 42 oo soomaali ah ayaa Denmark si xor ah uga noqday sanadkan 2017-ka!.

0
132
wasiirada arimaha soo galootiga Denmark

Waxaa shaley soo baxday in Denmark ay Soomaaliya si qasab ah ugu tarxiishay ilaa 12 oo soomaali ah, kuwaas oo si qarsoodi ah Soomaaliga looga dajiyay. Waxaana warkaas soo daabacanay wargeyska Politiken. Denmark ayaa sanadkii 2016-ka heshiis afka ah oo qarsoodi ah la gashay wafdi ka socday dowladii Soomaaliya ee xiligaas, waxaana ay kula heshiisay in sanadkii ay celin karto ilaa 12 qof.

Wargeyska kale  Jyllands-posten oo isna kamid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Denmark ayaa hey’adda Danish Refugee Council kasoo xigtay tirokoob ah in sanadka ay Denmark ka noqdeen isku dar 42 qof oo soomaali ah, kuwaas oo si iskood ah u noqday(aan la qasbin), isla markaana taageero dhaqaale ka helay dowlada Denmark. Waana dadkii ugu badnaa ee soomaali ah, kuwaas oo Denmark ka codsada in wadankoodii loo celiyo.

Qaar kamid ah dadkan Soomaaliya iskood ugu noqday ayaa kamid ahaa 800 oo soomaali ah, kuwaas oo dowlada Denmark ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameysay sharcigooda magangalyada ayna ku wargalisay inay Soomaaliya ku noqdaan.

Kor u kaca tirada dadka soomaalida ah ee Denmark ka noqonaya ayaa waxaa sameyn ku leh go’aanka dib u qiimeynta ay Denmark sheegtay inay ku sameyn doonto magangalyada 832 qof oo soomaali ah.

Wasiirada soo galootiga Denmark oo faraxsan:

Wasiirada soo galootiga Denmark,  Inger Støjberg ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay inay korortay tirada dad soomaalida ah ee iskood ugu noqanaya wadankoodii. Wasiiradan ayaa sababta arintaas ku tilmaantay in xaalada amaan ee Sooomaaliya ay hada soo fiicnaatay, ayna sababtaas tahay mida ay Denmark dib u qiimeynta ugu sameyneysa magangalyada la siiyay qoxootiga soomaalida ah ee dalkaas ku dhaqan.

Soomaalida ayaa kujira booska labaad ee dadka iskood ugu noqonaya wadankoodii, waxaana ka horeeyo oo kali ah dadka kasoo jeedo Columbia.

Qoxootiga soomaaliyeed ee kunool Denmark, ayaa waxaa soo wajahay xaalado adag, taas oo mararka qaar ku dhalisa inay doortaan inay dib ugu noqdaan Soomaaliya.

Xigasho/kilde: Jp.dk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments