Jan Bøhler: Norway waa inay cadaadis ahaan u adeegsataa deeqda ay Soomaaliya siiso, si loo badalo dugsi quraanada caruurta lagu jirdilo.

0
120

Dhowr isbuuc ayaa laga joogaa markii uu NRK soo daabacay warbixinta dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo sheegay inay jirdil kula kulmeen dugsi quraano la geeyay oo Soomaaliya kuyaal. Waxaana ilaa markaas socotay, dooda ka dhalatay warbixintaas, iyada oo ay horey sideed wasiir oo dowlada ka dhisan ay shir uga yeesheen.

Jan Bøhler oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka dalkan Norway, inta badana arintan dhaqan-celiska ka hadla ayaa sheegay inuu rabo in dowlada Norway ay deeqda ay siiso Soomaaliya u adeegsato cadaadis ahaan, si wax looga badalo iskuuladan. Iyo in ilmahan dib loogu soo celiyo Norway.

Bøhler ayaa sheegay in ilaa hada uusan arkin arin cad oo wax looga qabanayo arintan. Wuxuuna sheegay inuu rabo in Norway ay lacagta deeqta ee aan gargaarka aheyd ay dowlada Norway u adeegsato cadaadis ahaan, si wax looga badal dugsi quraanada Soomaaliya kuyaalo ee lagu jirdilo caruurta heysta dhalashada Norway. Xildihibaanka ayaa raaciyay inay u imaadaan caruur soomaali ah, kuwaas oo ka sheeganaya in laga soo tagay.

Norway ayaa sanad walba 500 milyan oo lacagta Norway ah deeq ahaan u siiso. Waxeyna Soomaaliya kamid tahay wadamada deeqda ugu badan ka hela Norway.

Wasaarada arimaha dibada oo ka jawaabeyso hadalka Bøhler ayaa NRK u sheegtay in dowlada Norwaya aysan awood u laheyn inay xirto iskuul kuyaal wadanka kale, sida wadan kale uusan awood ugu laheyn inuu xiro iskuul kuyaalo Norway.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa dhankeeda horey u sheegtay inay sharci daro tahay in caruurta looga soo tago wadamada dibadda. Halka wasiirada soo galootigu ay sheegtay inay rabto in la ciqaabo waalidka ilmihiisa uga soo tago Soomaaliya.

Xigasho/kilde: NRK

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments