Isbadalan cusub ayaa hey’adda NAV kusoo kordhi doono sanadka cusub ee 2018-ka.

0
123

Hey’adda NAV oo dad badan oo soomaali ah si uun ugu tiirsanyihiin ama meel xiriir kala leeyihiin ayaa sanadka cusub ee 2018-ka sameyn doonto isbadalo dhowr ah, kuwaas oo saameyn ku yeelan doono dadka ku xiran hey’adda.

Isbadaladaas waxaa ugu muhiimsan isbadalka lagu sameeyay lacagta la siiyo dadka dhaawac ama xanuun kale dartiis uga maqan suuqa shaqada(Arbeidsavklaringspenger).  Qodobada ugu muhiimsan ee isbadalka lagu sameeyay lacagtan ayaa waxaa kamid ah in :

  • Xiliga ugu badan ee uu qofku lacagtan qaadan karo ayaa laga dhigay 3 sano, halkii markii hore ay ka aheyd 4 sano. Shuruudaha dheereynta qaadashada lacagtan ayaa sidoo kale la adkeeyay.

  • Xiliga ugu badan ee uu qofka loo dheereyn karo qaadashada lacagtan waxaa hada wixii ka bilowdo lagu xadiday 2 sano.

  • Dadka qaata lacagtan AAP-ka waxaa ku waajib ah inay ka qeybqaataan daaweyn dhakhtar ama howlmaalmeedyo la xiriira shaqo. Hadii uu qofka  ka qeybqaadan waayo labadaas midkood ama uu joojiyo, waxaa dhici karto dhici karta in lacagta laga istaajiyo.

  • Nav ayaa wixii hada ka bilowdo wuxuu sharcigu ku qasbayaa inay si dhow oo toos ah ula socdaan ka qeybqaadashada qofka ee daaweynta ama howlmaalmeedka shaqo.

  • Qofku wuxuu shaqeyn karaa ilaa 80% mudo hal sano isaga oo aan xaqa qaadashada lacagtan lumin, halka markii hore ay ka aheyd lix bilood oo kali ah.

  • Xiliga uu qofka qaadanayo lacagtan isaga oo shaqo codsade ah(arbeidsøker) ayaa hada laga dhigay 6 bilood, halkii markii hore ay ka aheyd 3 bilood.

Faah-faahinta arintan halkan ka akhri

Isbadalada kale ee Nav:

  • Wixii ka danbeeyo  15-ka January waxaa lasoo rogi doonaa in qofku uu si digital ah(internetka) uu usoo diro sykemelding-ka. Qofka shaqeeya ee sykemelding galaya, wuxuu wixii hada ka danbeeyo ku diri karaa ama ku gudoomi karaa internetka si digital ah.

  • Qofkii shaqo doone ah ee diiwaan gashan, waxa uu si digital ah(internetka ah) ku sameynsan karaa qorshe-maalmeed, isaga oo internetka kala xiriiraya qofka markaas u ah veilederka.

  • Dadka shaqo la’aanta ah ee ka yar 30-ka sano waxey xaq u yeelan karaan shaqo ama waxbarasho labo bilood gudahood.

  • Lacagta lagu kaalmeeyo waalidka xanaaneeyo ilmo xanuunsan(xanuun weyn) ayaa la xoojin doonaa wixii ka danbeeyo sanadka cusub.

Xigasho/kilde: Nav.no, Dagbladet/papir-avis-18-12-2017, side 6

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments