George Weah oo loo doortay madaxweynaha cusub ee dalka Liberia

0
175

Xidiggii hore ee kubadda cagta iyo kooxda AC Milan George Weah ayaa ku guuleystay doorashada madaxweyne ee dalka Liberia. Iyada oo ilaa hada la tiriyay inta badan codadkii laga dhiibtay wareegga labaad ee doorashada Liberia ayaa Mr Weah waxa uu weli ka horreeyaa  musharaxa la tartamayay Joseph Boakai.

Waxa uu badeli doonaa madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee loo doorto inay hogaamiso dal Afrikaan ah, waana markii ugu horreysay taariikhda Liberia muddo tobannaan sanno ah oo awoodda si dimuqraadi ah la isugu kala wareejiyo. Mrs Sirleaf ayaa ka adkaatay Mr Weah wareeggii labaad ee doorashooyinkii la qabtay 2005, kaddib markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee dalkaasi halakeeyay.

Haddaba markii gelinkii dambe ee Khamiista uu soo baxay warka sheegaya guusha Mr Weah ayaa taageerayaashiisa waxa ay bilaabeen inay ku dabaaldegaan magaalada caasimadda ah ee Monrovia.

Ololaha xidiggii hore ee kubadda cagta ayaa waxa uu ku wajahnaa dhalinyarada, halka madaxweyne ku xigeenka xilka sii banaynaya Mr Boakai loo arkayay inuu yahay nin da’ ah oo waqtigiisii soo qaatay.

Hasayeeshee doorashada Mr Weah ayaanay dood ka marnayn maadaama madaxweyne ku xigeen uu usoo xushay Jewel Taylor, xaaskii hore ee dagaal ooge ahna madaxweynihii hore ee waddankaasi Charles Taylor, kaas oo haatan dambiyo dagaal xabsi ugu jira waddanka UK.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments