Frp: Venstre waxaa haboon inay ilaawaan fur-furida siyaasada soo galootiga Norway.

0
176
Gudoomiyaha FRP: Siv Jensen

Isbuuca labaad ee bisha January waxaa lagu wadaa inay furmaan wadahalada uu xisbiga Venstre rabo inuu uga mid noqdo xukuumada Erna Solberg ee hada ka kooban xisbiyada FRP iyo Høyre.

Gudoomiyaha xisbiga FRP, ahna wasiirada maaliyada Norway, Siv Jensen ayaa wakaalada wararka ee NTB u sheegtay inay haboon tahay in xisbiga Venstre uu ilaawo inay furfuraan siyaasada adag ee soo galootiga dalkan Norway. Siv ayaa kusii dhawaaqday in xisbigeedu uusan kamid noqon doonin xukuumad khafiifin doonto siyaasada soo galootiga Norway.

Waxeyna sheegtay in hadii wax laga badalo siyaasada soo galootiga Norway, ay fariin qaldan u direyso aduunka, ayna keeneyso in dad badan ay kusoo qulqulaan Norway.

Wadahalada xisbiyadan ayaa lagu wadaa inay noqdaan kuwo adag, maadaama Venstre iyo FRP uu u dhaxeeyo farqi weyn oo xaga afkaarta iyo siyaasaba ah.

SIV Jensen oo sii hortagtayso inta aysan furmin wadahalada ayaa digniin u dirtay labada xisbi ee kale, kuna aadan in FRP uusan si fudud kusii deyn doonin qodobada u muhiimka ah xisbiga, ayna ku dagaali doonaan inay la dhaqangeliyo. Siyaasada soo galootiga ayaana ah tan ugu muhiimsan ee xisbiga FRP.

Jensen ayaa dhanka kale taxday qodobo ay ku mideysanyihiin xisbiyada, ayna tahay inay xooga saaraan.

Xigasho/kilde: VG, Nettavisen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments