Erdogan: Arinta aqoonsiga Qudus ee caasimada Israel, waxey muslimiinta uga dhigantahay Khadka Cas(guduudan).

0
89

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoga ayaa ka digay in dalkiisu uu xiriirka u jari doono Israa’iil, haddii Mareykanku uu magaalada Qudus u aqoonsado inay tahay caasimadda Israa’iil.

Erdogan ayaa sheegay in talaabdaasi ay muslimiinta dunida uga dhigan tahay in Mareykanku uu ka talaabay khadka cas(guduudan).

Dalal badan ayaa ka dalbaday Donald Trump inuusan qaadin talaabadaad,  Waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono isbuucan, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada.

«Mr Trump! waxaad ogaataa in Qudus khad casa ay uga dhigan tahay Muslimiinta,» ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishinka.

«Waxay arrintaa horseedi kartaa inaaan calaaqaadka diblomaasiyadeed u jarno Israa’iil», ayuu sii raaciyay Erdogan.

Hadii Washington ay u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee arintaas meelmariyo, tan iyo markii la sameeyay Israa’iil 1984. Israa’iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.

Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.

Caalamka intiisa kale, sidee arintan looga arkaa:

Faranisiiska: Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay Donald Trump inuu «ka walaacsan yahay« in hoggaamiyaha Mareykanka uu iskii ugu aqoonsado Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, isagoo sheegay in taasi ay ku imaan karto oo kali ah wadahadal dhexmara dhinacyada Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Midowga Yurub ayaa ka digay ‘cawaaqib daran iyo caro ka timaado aragtida guud, qeyba badan oo ka mid ah dunida.

Jaamacadda Carabta ayaa ku tilmaantay tillaabo khatar ah oo caawaaqib darran reebo karto.

Sacuudiga ayaa sheegay in tallabaadasi ay sameeyn ku yeelan karto geedi socodka nabadda.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa hogaamiyayaasha dunida ka dalbaday inay arrintan soo farageliyaan isagoo sheegay inay tallabdaasi ay « burburin karto hanaanka nabadda«

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments