Degmo Sweden katirsan: Ama mujtamaca dhexgal ama lacagta kaalmada dowlada ayaa laga jari doonaa.

0
139
Foto: Johan Nilsson/TT

Maamulka degmada Vellinge oo katirsan dalka Sweden ayaa soo saaray go´aan ay ku sheegayaan inay shuruudo ku xiri doonaan dalka soo galootiga ah ee degmadaas kunool, hadii ay kasoo bixi waayaana, laga jari karo lacagta kaalmada dowlada.

Maamulka degmadaas ayaa sheegay in qofka soo galootiga ah ee deegaankaas ku dhaqan ay saarantahay waajib ah inuu qaato doorkiisa ku aadan isdhexgalka bulshada, uuna muujiyo firfircooni ah inuu diyaar u yahay inuu dadka magaalada degan dhexgalo.

Shuruudaha dadka soo galootiga ah lagu xiray, ayaa waxaa kamid ah inay ajaaniibta dalka ku cusub ay muujiyaan talaabooyin ay ku cadeynayaan inay dadaal ugu jiraan barashada luuqada dalka Sweden iyo waliba culuumta bulshada ee dadka wadankaas ku cusub loo dhigo. Waxaa intaas sii dheer in qofka lagu xiray shuruud ah inuu dadaal u galo ka qeyb qaadashada suuqa shaqada dalka Sweden.

Hogaanka maamulka degmadaas ayaa isku raacay in qofkii shuruudahaas buuxin waayo, laga jari doono lacagta dhaqaalaha ah ee dowladu ku kabto dadka soo galootiga ah.

Go´aankan ay soo saareen maamulka degmadaas ayaa dhaqan gali doono sanadka cusub ee 2018-ka.

Xigasho/kilde: Radio-sverige-Somali

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments