Dacwad ku oogidda askeriga Soomaali-Mareykan ah “oo dib loo dhigay”

0
119

Maxamed Nuur oo ah askari soomaali ah oo ka tirsanaa booliska Mareykanka ayaa bishii July ee sanadkan toogasho ku dilay Justine Damond oo 40 sano jir aheyd, ka dib markii ay booliska telefoon kula xiriirtay, si ay ugu wargeliso inay qeylo ka maqleyso duleedka guriga ay degentahay.

Dacwad oogaha baaritaanka ku haya kiiska dilkii loo geystay haweeneydan u dhalatay Australia ayaa sheegay in shaqo dheeraad ah uu kiiska u baahan yahay, ka hor inta aan la go’aasan in dacwad lagu oogo askerigii toogtay haweeneyda.

Baaritaannada la xiriira geerideeda ayaa hadda socdo, mana jiraan dacwado lagu oogay Maxamed Nuur, illaa iyo hadda. Dacwad oogaha ayaa horay u ballanqaaday in go’aan uu gaarayo ugu dambeyn dhammaadka sannadka. Laakiin Khamiistii, wuxuu sheegay in kiiska uu u baahan yahay wakhti dheeraad ah, ayna tahay in aan lagu degdegin baaritaanka iyo dib u eegidda.

 

Kiiska toogashada haweeneydan ayaa dhaliyay buuq ka dhex dhashay Australia iyo Mareykanka, taas oo sababtay in ay iscasisho madixii booliska Minneapolis.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments