D. Trump oo raba inuu magaalada Qudus u aqoonsado caasimada Israel.

0
177

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah uu ku dhawaaqo in Mareykanka uu Qudus ama Jerusalem u aqoonsan doono caasimadda Israel, isaga oo safaarada Mareykanka usoo rari doono magaaladaas.

Go’aankan ayaa la filayaa iuu carro xooggan ka dhaliyo dunida carabta iyo muslimiinta, hase yeeshee Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump uu aqoonsan doono oo kaliya arrin taariikhi ah oo wadata xaqiiqo waaqici ah, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Inta uusan go´aankan gaarin, waxa uu Trump qadka taleefonka kula xiriiray afar ka mid ah madaxda dalalka carabta, sii uu ugu war-geliyo tallaabada uu qaadi doono. Trump ayaa la xiriiray madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maazin, boqorka Urudun, Boqor Abdalla, Madaxweynaha Masar, General Abdulfataax Siisi iyo boqorka Sucuudiga Boqor Abdalla. Trump ayaa sidoo kale arintan ku wargaliyay reysulwasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu.

Dalalka Carabta ayaa horey uga digay tallaabada Trump. Wasiirka arrimaha dibedda Jordan, Ayman Safadi ayaa sheegay inuu u sheegay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Rex Tillerson “cawaaqibka qatarta leh” ee ka dhalan kara haddii Mareykanka uu Jerusalem u aqoonsado caasimadda Israel.

“Go’aan noocaas ah wuxuu kicin doonaa carro ka dhacda dalalka Carabta, iyo xiisad halis gelisa dadaallada nabadeed” ayuu Safadi ku qoray barta twitter-ka.

Madaxweynaha Turkiga R. Urdugan ayaa sidoo kale shaley ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta arintaas, isaga oo sheegay in arinta Qudus ay muslimiinta uga dhigantahay khad cas oo aan laga talaabi karin.

Madaxda dalal badan oo reer galbeedka ah iyo waliba midowga Yurub ayaa iyagana dhankooda ka digaya go´aanka Trump ee aqoonsiga Qudus ee caasimada Israel.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments