BT: Xisbiyo dhowr ah oo qiimeynayo in lasoo rogo baaritaan qasab ah oo gudniinka gabdhaha ku saabsan

0
110

Isbuucan dhexdiida ayuu wargeyska Bergens Tidende oo kasoo baxa magaalada Bergen soo bandhigay in sagaalkii sano ee ugu danbeeyay, Norway lagu baaray 120 gabdhood oo inay gudanyihiin la hubinayay. Balse aan la helin hal gabar oo 120-kaas kamid ah, taas oo la guday inta ay Norway joogtay kadib.

Iyada oo ay taas jirto ayuu hadana xisbiga FRP sheegay inay rabaan in lasoo rogo baaritaan gudniinka ah oo qasab ah oo lagu sameeyo gabdhaha yar-yar ee iskuuulada dhigto, si looga hortago gudniinka. Qodobkan ayaa ah mid ay isku raacsanyihiin dhamaan goloyaasha xisbiga FRP.

Xisbiga kale ee Ap ayaa iyagana dhankooda sheegay inay arintaas qiimeyn ku sameyn doonaan, ayna u furanyihiin inay FRP qodobkaas ku taageeraan. Ap ayaa sanadkii 2002 soo bandhigay soo jeedin ah in baaritaan gudniinka ah oo waajiba ah lagu sameeyo gabdhaha yar, si looga hortago gudniinka.

Afhayeenka xisbiga Ap ee arimaha soo galootiga Stein Erik Lauvås ayaa BT u sheegay inay mudantahay in qiimeyn lagu sameeyo, qodobka ah baaritaan qasab ah lagu sameeyo gabdhaha, si looga hortago gudniinka. Isaga oo raaciyay inay mudantahay in la helo qodobo arintaas hoola hortagi karo.

Espen Teigen oo ah lataliyaha wasiirada soo galootiga dalkan Norway ayaa BT u sheegay inuu ogyahay inay jiraan gabdho Norway laga waday oo meelo kale lagu soo guday, inkasta oo tirokoob ay BT soo bandhigtay aan lagu xusin arintaas.

Espen ayaa sheegay in FRP ay rabaan in baaritaan qasab ah lagu sameeyo dhamaan gabdhaha yar-yar ee iskuulada bilaabayo, si looga hortago gudniinka.

Xigasho/kilde: Bergens Tidende(halkan kasii akhri warbixintan)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments