Booliska Oslo oo warbixin ku saabsan dhaqan-celinta caruurta u diray wasaarada cadaalada Norway.

0
192
Foto: Politiet

Dhowr isbuuc kahor, bartamihii bishii November ayay aheyd markii uu NRK soo daabacay warbixin ay dhalinyaro soomaali ah kaga sheekeynayaan jirdil ay kula kulmeen dugsi quraano la geeyay oo kuyaalo Soomaaliya, halkaas oo dhaqan-celin ahaan loo geeyay.

Warbixinta NRK kadib ayay wasaarada cadaalada Norway booliska ka dalbatay inay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan waxa ay ka ogyihiin arintaas, sida uu maanta qoray NRK.

Booliska Oslo ayaa wareysi la yeeshay qaar kamid ah dhalinyarada dib ugu soo noqday Norway, si ay u qiimeeyaan saameynta ay arintaas ku reebtay, gaar ahaan dhanka xagjirnimada ah, sida ay Janne Birgitta Stømner oo ah madaxa laanta ka hortagat booliska Oslo u sheegtay NRK. Booliska Oslo ayaa sheegay inay wareysteen ilaa sadex dhalinyaro ah.

Booliska Oslo ayaa waraaq ku saabsan waxa ay ka ogyihiin arintan u diray wasaarada cadaalada Norway. Horey waxaa arintan uga shiray ilaa sideed wasiir oo katirsan xukuumada Norway, waxeyna ku balameen inay markale ay isugu soo n

Janne Birgitta Stømner ayaa sheegtay in qaar kamid ah caruurtaas loo celiyo, kadib marka ay ku dhacaan falal danbiyeedyo, waalidkuna ay u cabsadaan caruurtaas. Waxeyna raacisay in khibrada ay boolisku u leeyihiin arintan ay tahay qeybo badan oo caruurtaas kamid ah, ay dib uga mid kooxahoodii hore marka ay Norway dib ugu soo noqdaan.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments