Booliska oo ka digayo wadooyinka gobolada qaar oo dhalo noqday(glatt).

0
204

Booliska dalkan Norway, gaar kuwa bariga(Oslo iyo gobolada ku ag dhow) ayaa ka digayo wadooyinka baabuurta oo maanta noqday dhalo oo kale, sabiibix(glatt) kajira owgii.

Baraf dhulka horey u yaalay iyo roob ku da´ay oo iskaashaday ayay boolisku sheegeen inay wadooyina ka dhigayaan kuwa ay adagtahay in baabuur lagu wado.

Meelo badan ayaa maanta ilaa xaley laga soo tabinayay shilal baabuur oo la xiriira wadooyinka oo dhalo noqday owgood. Sidoo kale wadooyin dhowr ah ayaa maanta si kumeel gaar ah u xiran.

Booliska ayaa dadka ku boorinayo inay baabuurka guriga uga tagaan, hadii ayse ka maarmi waayaana ay si taxadar ah wadooyinka ugu socdaan.

 

Xigasho/kilde: VG.NO, TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments