Baarlamaanka Norway oo isku raacay inaan la ciqaabin dadka daroogada adeegsada, balse la daaweeyo.

0
130
foto: Stortinget.no

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in wax laga badalo sharciga daroogada Norway, isla markaana aan la ciqaabin dadka daroogada adeegsada, balse loo daaweeyo sidii dadka xanuunsan.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale isku raacay iny masuuliyad siyaasada daroogada Norway laga wareejiyo wasaarada cadaalada, loona wareejiyo wasaarada caafimaadka. Xisbiyada Høyre, Ap, SV iyo Venstre ayaa ahaa ku ka danbeeyay isbadalkan ay maanta baarlamaanku ansixiyeen.

Nicholas Wilkinson oo SV katirsan ayaa sheegay in arintan ay bilow u tahay isbadal weyn oo ay rabaan in lagu sameeyo sharciyada daroogada dalkan Norway. Isaga oo sheegay in la dhisi doono kaabayaal caawineed oo qofka ka saacida inuu daroogada adeegsigeeda joojiyo, isla markaana dhalinyarada daroogada adeegsada loo sameeyo siyaabo ay uga baxaan.

Xisbiyadan ayaa dhanka kale sheegay in arintan aysan ka dhigneen in qofka loo fasaxay inuu daroogo qaato ama adeegsado, kaliya ay tahay in isbadal lagu sameeyay aragtida siyaadadeed ee dowlada Norway ee ku aadan daroogada. Isbadalkan ayaa qaadan doono waqti dheer, intii aan la dhaqan galin kahor.

Xigasho/kilde: VG.NO, NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments