Austria: Sadex dhalinyaro soomaali ah oo uu tareen jiiray: Mid kamid ah ayaa dhaawiciisu halis yahay

0
149
APA/SCHNEIDER Harald (SCHNEIDER Harald)

Sida ay qorayaan warbaahinta magaalada Salzburg ee dalka Austria, sadex dhalinyaro soomaali ah ayaa ku dhaawacmay shil tareen oo ka dhacay mid kamid ah xarumaha tareenada magaaladaas. Mid kamid ah dhalinyaradan ayaa dhaawiciisu uu yahay mid halis ah, halka labada kalena ay soo gaareen dhaawacyo fud-fudud.

Dhalinyaradan ayuu dagaal gacan ka hadal ah uu ku dhexmarayay xarunta tareenka, kahor inta aysan iskula dhicin godka xadiidka tareenka(biraha uu tareenku ku socdo). Waxaana xiligaas xarunta kusoo wajahnaa tareen kamid ah kuwa magaalada ka dhex shaqeeyo.

Wadaha tareenkan ayaa sheegay inuu isku dayay inuu qabto bareega deg-dega ah, si uu istaajiyo tareenka, laakiin wuxuu sheegay inay taas u suurto gali weyday.

Mid kamid ah sadexda dhalinyarada soomaalida ah ayaa hoos galay tareenka, waxaana soo gaaray dhaawacyo halis ah, iyada oo ay xaaladiisu u dhaxeyso nolol iyo geeri, halka labada kalena ay soo gaareen dhaawacyo fud-fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen booliska magaalada Salsburg.

Sidoo kale gabar 14-sano jir ah oo goobjoog ka aheyd dhacdadan ayaa iyadna isbitaalka loo dhigay naxdinta ay ka qaaday dhacdadan shirka tareenka uu kujiiray wiilka soomaaliga ah.

Dalka Austria waxaa sanadihii ugu danbeeyay magangalyo weydiistay boqolaal dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo intooda badan ah dhalinyaro kayar da´da 20-ka sano.

Xigasho/kilde: Sarsburg25.at

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments