Zurich: Soomaali document fake ah sameystay, si qoyskiisa loogu keeno, kuna keensaday markii danbe.

0
202

Warbaahinta dalka Switzerland ayaa maalmihii ugu danbeeyay aad uga hadleysay sheekada nin soomaali ah oo lasoo taagay maxkamada gobolka Zurich, kadib markii lagu eedeeyay inuu sameystay documenti ah faaliso ah, si qoykiisa loogu keeno. Hey´adda socdaalka dalkaas oo tixraaceyso documentigaas faalisada ah ayaa ogolaatay in ninkaas qoykiisa loo Keeno Switzerland.

Ninkan ayaa oo Switzerlanad deganaa sagaal sano ah ayaa sanadkii 2015-ka codsaday in loo keeno qoyskiisa, balse hey´adda socdaalka dalkaas ayaa codsiga ninkaas diiday, iyada oo sabab uga dhigtay inuusan degeneyn guri ku filan qoyska uu rabo inuu u dacwoodo.

Mudo kadib ayuu hadana soo xareeyay cabasho ku saabsan go´aankii hey´ada socdaalka, waxaana cabashada la socday document cadeynaya inuu kireystay guri labo qol ah oo qoys loogu talagalay, isaga oo sheegay inuu halkaas u guuri doono marka qoyska loo keeno. Sidaas ayaana qoyskiisa loogu keenay, waxeyna hada kula noolyihiin Switzerland.

Waxaa gadaal danbe kasoo baxday in documentiga muujinayay kireysiga guriga uu ahaa mid faaliso ah, waxaana gurigaas degenaa nin kale oo soomaali ah oo tagsiile ah, ahna saaxiibka ninka qoyska loo keenay. Waxaana lagu soo oogay maxkamad, isaga oo ku eedeysan isdabaran documenti.

Isbuucan ayay maxkamad kutaal gobolka Zurich ninkan soomaaliga ah ku xukuntay ganaax lacageed, waxaana uu maxkamada ka sheegay in waxa kaliya ee uu rabay ay tahay inuu nolol fiican u helo qoyskiisa, ayna markaas heysatay xaalad dhaqaale oo adag. Hadana uu ku fakarayo inuu mustaqbal wanaagsan kula noolaado reerkiisa.

Ninka degenaa guriga documentiga faalisada laga sameeyay ayaa isna lasoo taagay maxkamada, balse wuxuu sheegay inuusan arintaas wax lug leh ku laheyn. Iyada oo sidoo kale ninka kale reerka loo keenay uu maxkamada ka cadeeyay in saaxiibkuu uusan arintaas ka warheyn, isaguna uu ahaa qofkii faalisada ka sameeyay documentiga kirada guriga uu saaxiibkii deganyahay.

Xigasho/kilde: NZZ.CH

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments