Xisbiyada midigta oo ugu danbeyn ku heshiiyay miisaaniyada dowlada ee sanadka 2018.

0
95

Xisbiyada midigta ayaa ugu danbeyn ku heshiiyay meelmarinta miisaaniyada dowlada ee sanadka soo socdo ee 2018. Waxeyna inay heshiis galaan ku qaadatay waqti aad uga badan kii loogu tala-galay, iyaga oo dhowr jeer dib u dhigay soo bandhigista meelmarinta miisaaniyada.

Xisbiyada Venstre iyo KRF ayaa dowlada ka meelmariyay inay soo qaadato qoxooti tiro ahaan ka badan tii ay dowladu soo jeedisay. Waxeyna miisaaniyada ku dareen inay Norway sanadka soo socdo dib u dajin u sameyso 2120 qof. Tiradaas oo 1000 qof ka badan tii ay rabeen Høyre iyo FRP.

Waxey noqoneysaa sanadkii 5aad ee isxiga oo Norway lagu maamulo miisaaniyad ay dajiyeen xisbiyada midigta.

Xigasho/kilde: Nettavisen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments