Xeer ilaaliyaha dowlada: In caruurta loo diro dugsi quraan, waxey keeni kartaa ciqaab xaga sharciga ah.

0
211
Foto: Skjermbilde/nrk

Waxaa wali socoto doodii ka dhalatay warbixin uu NRK ka diyaariyay dhalinyaro soomaali ah oo Soomaaliya loo dhaqanceliyay, isla markaana sheegay inay lasoo kulmeen jirdil.

Jørn S. Maurud oo ah xeer katirsan dowlada ayaa sheegay in booliska Oslo aysan ilaa hada bilaabin baaritaan ku saabsan kiisaska caruurta la dhaqanceliyay ee sheegay iney jirdil kula soo kulmeen dugsi quraanada la geeyay. Wuxuuna sheegay in sharcigan Norway uu yahay mid xadadin oo aan arintan sifiican u qeexeyn, wuxuuna taageeray isbadalka ay Listhaug sheegtay inay rabto inay ku sameyso sharciga Norway, si arintan looga hortago.

Xeer ilaaliyahan ayaa sidoo kale ineysan suurtogal aheyn inay baaritaan bilaabaan, iyaga oo aan heynin xog dhameystiran oo ku saabsan shaqsiyaadka ay arintan sida gaar ah u khuseyso, isaga oo codsaday in hadii ay jirto dad macluumaad hayo ay lasoo xiriiraan booliska.

Dooda ka dhalatay warbixinta NRK ayaa ah mid maalinba maalinta ka danbeyso ay saameynteed sii kordheyso.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments