torsdag, mars 28, 2024

Warbaahinta Norway iyo guud ahaan Scandanevianka maxay maanta uga aamustay doorashada ka dhacday Somaliland?

Waxaa maanta loo dareeray doorashada madaxtinimo ee Somaliland, taas oo kusoo gaba gabowday si nabadgalyo ah, iyada oo dhawaan la sugayo inay soo baxdo natiijada codbixinta doorashada.

Waxaa kursiga madaxweynaha ku tartamaya sadex musharax oo kala ah, Muuse Biixi oo ka socdo xisbiga Kulmiye ee hada talada haya, Cabdiraxmaan Ciro iyo Feysal cali waraabe oo u tartamaya xisbiyada mucaaradka ah ee Wadani iyo Ucid.

Doorashadan ay saaka ay reer Somaliland u dareereen ayaa ah mid uu qofku u codeynayay si digital ah(online ah), isla markaana dadaal xoogan lagu bixiyay ineysan dhicin ku shubasho, sida inta badan ka dhacda wadamada Afrika.

Waxeyna aheyd mid tusaale muuqata u noqon karta in wadamada Africa ay ka dhici karto doorasho u qalanta dan ka dhacda wadamada Yurubta galbeed ee sheegta inay horumar dimuqraadi ah gaareen.

Maxay warbaahinta galbeedku indhaha uga qarsataa horumarkeena:

Waxaad ilaa saaka isha ku heynay warbaahinta dalkan Norway iyo wadamada kale ee Scandenevianka. Ilaa hadana ma aanan helin hal wargeys oo doorashadaas sida nabadgalyada ah ku dhacday wax ka qoray.

Waxaana ay taas ku biireysaa liiska dhacdooyin badan oo wanaag ah oo geeska Afrika ka dhacay, balse ay warbaahinta dalalka galbeedku indhaha ka qarsadeen. Ogow waxey mar walba soo tabiyaan qaraxyada, abaaraha, macluusha , duufaanada iyo waxyaabaha aan indhaha u fiicneyn ee ka dhaca. Waxaadna moodaa inay si ula kac ah indhaha uga qarsadaan waxyaabaha horumarka ah ee ka dhaca dalalka Afrika.

Ololaha doorashada Somaliland ayaa socday mudo isbuucyo ah, waxaana dalkan Norway laga dareemayay abaabulka ay dadka kala taageersan xisbiyada siyaasada ugu jiraan doorashada madaxweyne ee maanta dhacday.

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x