Gudiga gurmad qaran Norway oo isbuucyadii ugu danbeeyay lacag uruurin u sameynayay dadkii ku waxyeeloobay qarixii magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Zoobe, ayaa galabta soo bandhigi doono tirada lacagtii kasoo xarootay howsha gurmadka.

Inkasta oo aysan wali gudigu shaacin tirada lacagta, balse waxaa la filayaa inay tiro ahaan ku dhawaato lacagtii lasoo uruuriyay xiligii abaaraha oo dhameyd milyan iyo dheeraad.

Kulanka soo bandhigista ayaa galabta ka dhici doono masaajidka Towfiiq, waxaana si toos ah usoo tabin doono dhamaan warbaahinta soomaaliyeed ee ku dhaqan Norway.

Soo bandhigista lacagta kala soco Live NorSom News: Saacadu marka ay tahay kl 19:00.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of