VG: Listhaug oo qarka u saaran inay jabkii labaad ay la kulanto isbuucan gudihiisa.

0
137
Listhuag

Wasiirada soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada dalkan Norway, S. Listhaug ayaa isbuucan la kulantay jab siyaasadeed oo aysan filaneyn, kadib markii baarlamaanka Norway uu si deg deg ah ku ansixiyay in caruurta reer Afgaanistaan ee la tarxiili lahaa la siiyo jaanis cusub oo magangalyadood dib loogu qiimeeyo.

Xisbiga shaqaalaha oo markii hore Listhaug ku taageersanaa arintaas ayaa markan baarlamaanka horkeenay qorshaha jaaniska cusub lagu siinayo dhalinyaradaas, waxaana raacay Sp oo isna markii hore diidanaa, wuxuuna helat aqlabiyad baarlamaan.

VG: Jab kale ayaa Listhaug iyo Frp kusoo socdo

Sida uu wargeyska VG kasoo xigtay ilo katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, xisbiga Ap ayaa qorsheynaya inay baarlamaanka horkeenaan hindise sharciyeed cusub oo ku saabsan in ay dowladu u leedahay inay amar siiso hey´adda madaxa banaan ee UNE.

UNE ayaa ah hey´ada qaabisho, isla markaana ka shaqeysa cabashada ay dadka kasoo gudbiyaan go´aanada hey´ada UDI-da. Dowlada Norway ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay awood u laheyd inay amar siiso qaabka ay UNE u gaareyso go´aamada.

Sido ilo katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap ay u sheegeen wargeyska VG, Ap ayaa qorsheynaya inay baarlamaanka ka ansixiyaan qorshe dib loogu soo celinayo madax banaanida hey´ada UNE.

Waxaana qorshahaas taageersan xisbiyo kale oo baarlamaanka katirsan, taas oo keeni karta in la baarlamaanka laga meelmariyo.

Hadii arintaas dhacdo, waxey noqoneysaa dharbaaxadii labaad oo isbuucan gudahiisa soo gaarta xisbiga FRP iyo wasiirada soo galootiga.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments