Sweden: Siyaasi katirsan xisbiga SD oo oraahdan laga qabtay: Musliminku bini aadan ma ahan.

0
246

Martin Strid oo ah siyaasi katirsan xisbiga xagjirka midigta fog ee dalka Sweden ee SD, ayaa qarka u saarin in xisbigaas laga tuuro, kadib markii uu aflagaado bareer ah, ayna ku dheehantahay isir naceyb uu u geystay dadka muslimiinta ah, isaga oo ku tilmaamay ineysan aheyn bini aadan.

Siyaasigan oo ka hadlayay meel uu khudbo ka jeedinayay ayaa hadalkiisa sidan u dhigay:

Dadka aaminsan diinta islaamku bina´aadan ma aha, sidoo kale waxey u baahan yihiin in laga badbaadiyo diintaas.

Ururada muslimiinta ah ee kunool dalka Sweden ayaa caro aad u xoogan ka muujiyay hadalka kasoo baxay siyaasigan, waxeyna sheegeen inay ka gudbin doonaan dacwad ku dhisan isir naceyb iyo cunsurinimo.o.

Siyaasigan ayaa cadaadis kadib iskiis u codsaday in laga saaro xisbiga SD, sida laga soo xigtay TV-ga TV4. Iyada hogaanka xisbiga SD ay sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan, kulana ka yeelan doonaan arintan keentay xaalada cusub.

Richard Jomshof oo ah xoghayaha xisbiga xagjirka ah ee SD ayaa sheegay in xisbigu uu rabo in si deg deg ah xisbiga looga tuuro Martin Strid. X

Xigasho/kilde: Sveriges Radio-Laanta afka soomaaliga

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments